WAJAALE NEWS

Xilldhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Wasaarada Arimaha Gudaha Ugu Baaqay In Ay Maayarka Gabiley Ku Soo Celiso Ku Dhaqanka Sharciga Iyo Xeerarka Dalka.

“Wasaarada Arimaha Guduhu Miyayna La Socon Fadhiga Caadiga ah Ee Maalin Khamiisa Maayarku Furay Maalin Isniin Ahna Uu Soo Xidhay Ee Saacadaha kooban Socday”Xildhibaan Axmed Bare,

Gabiley(W,N) Tann Iyo Markii Bulshada S/land u Dareereen Doorashadii Golayaasha Deegaanka dalka.Waxaa muuqata in lagu Guuldaraystay ujeedadii loo soo doortay Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka dalka ee ahayd in Maamul daadajin laga sameeyo Gobolada iyo Dagmooyinka dalka,waana Bar Madaw oo ku taal Wasaarada Arimaha Gudaha.waxaana marag cad looga dhigayaa in lagu guuldaraystay ujeedadii loo soo doortay Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka dalka,Waxayna taasi keentay Xildhibaankii shalay ay u doorteen Xilldhibaanadii dhigiisa ahaa Maayarka in siduu doono ka yeelo dakhligii umadda,Sharcigii iyo Xeerarka dalka isagoo ka talaabsaday Talo Wadaagii Xilldhibaanadii Golaha Deegaanka lagu Soo Doortay Waxana Sobob u ah Wasaarada Arimaha Gudaha oo ka Gaabisay Doorkii ay ku Lahayd .

Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa Mudooyinkii ugu Danbeeyay waxaa ka Taagan Khilaaf Xoogan oo u dhxeeyay Qaarkamida Xildhibaanada Golaha Iyo maayarka iyagoo ku Eedeeyay maayarka in uu ku kacay Musuq maasuq iyo ku Tagrifal Awoodii golaha isagoo gabi ahaanba ka diiday inuu qabto kalfadhi Aan Caadi ahayn oo ka Dalbadeen.

Iyadoo wali ay taagan tahay xalada cakiran ee ka jirta golaha deegaanka gabiley ayaa waxaa baaq culus udiray wasaarada Arimaha Gudaha Xilldhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley kuwaasi oo  Qoraal ay Arimaasi kaga hadlayaa usoo gaadhay Xafiiska Warqabadka Ee  Shabakada Wararka Wajaalenews.net Una Dhignaa Sidan;

Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi,oo hadalka ku horeeyay ayaa wuxu yidhi sidan:- Ugu Horayn waxaa lagama Maarmaan ah in la fahmo Ujeedadii loo soo doortay Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka dalka ee ahayd in maamul daadajin loo sameeyo Dagmooyinka dalka,iyadoo waajib gaar ahi ka saaran yahay in ay la socoto talaabo kasta oo ay qaadayaan Wasaarada Arimaha Gudaha, halka ay sartu ku qudhuntay ee hawlgabka noqotay waa Wasaarada Arimaha Gudaha oo lafdhabar u ah dhismaha Golayaasha Deegaanka dalka Waajib gaar ahi ka saarnan yahay Kormeerka,Baadhista iyo Shaqada Maayarada Dalka iyo Xilldhibaanada Golaha Deegaanka sida ku cad Qodobka 98 ee Xeer Lr 23 Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka.Waxaanu dull joogsaday Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi Qodobka 98 ee Kormeerka iyo Baadhista Faqradiisa koowaad.1. Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa Awood u leh Kormeerka,Baadhista, Hantida, Shaqada Iyo Hubinta Fulinta Shuruucda Xeerarka iyo Siyaasada guud ee Qaranka ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka.

Xilldhibaan Axmad Siciid Kibaar oo hadalka la wareegay ayaa ku eedeeyay Wasaarada Arimaha Gudaha in ay masuul ka tahay in uu Maayarka Gabiley siduu doono ka yeelo Dakhliga faraha badan ee soo gala Dawlada Hoose ee Gabiley iyo in uu gabi ahaanba ka talaabsado Xeerka Lr 23 ee ismaamulka Gobolada iyo Dagmooyinka iyo Talooyinkii Xilldhibaanadii Golaha Deegaanka Gabiley u soo jeediyeen.

Xilldhibaan Axmad Siciid Kibaar oo hadalkiisa sii wata ayaa ku tilmaamay Maayarka Gabiley Maxamad Cumar Cabdi Masuul ka talaabsaday Xayndaabka Sharciga iyo Xeerarka dalka kuna kacay takri fall iyo Musuq maasuq baahsan oo gabi ahaanba Aan Waxba Xeerin.

Xilldhibaan Axmad Siciid Kibaar Ayaa Bulshada reer gabiley u iftiimiyay halka ay wax ka qaldan yihiin in ay tahay Wasaarada Arimaha Gudaha oo ka gaabisay waajibaadkii ka saaraa in ay Hagto Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka dalka kuna kormeerto shaqada,dakhliga iyo ku dhaqanka xeerka iyo shuruucda guud ee dalka S/land, isagoo Xilldhibaan Axmad Siciid Fadhigii u dambeeyay ee Maayarka Gabiley furay ee Labada Maalmood uu ku soo gabogabeeyay ku tilmaamay mid Sharciga baalmarsan,waxaanu Xilldhibaan Axmad Siciid dull joogsaday QODOBKA 52’aad Faqradiisa 3,,5,6 Aad .

HADAL QORAALLADA SHIRARKA.

  1. Hadall qoraalka iyo go’aamada ka soo baxa shirkaas waxaa wada saxeexaya Duqa oo shir guddoonka ah iyo Xoghayaha fulinta.
  2. Golaha Deegaanka Degmada waxa ku waajib ah in ay Dadweynaha u soo bandhigaan Go’aamada ay gaadhaan iyagoo ku dhejinaya meelaha ogeysiisyada,kana sii daayaan qalabka warbaahinta .
  3. Golaha Degmada waxaa ku waajib ah hadal qoraaladda shirarka waa in si deg deg ah

(7) Todoba Cisho gudahood loogu gudbiyaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Iyadoo nuqulna la siiyo Guddoomiyaha Gobolka.

Sidoo kale,Xilldhibaan Axmad Siciid Kibaar,oo hadalkiisa sii wata waxuu yidhi,Waydiintu waxay tahay.Wasaarada Arimaha Guduhu miyayna la socon Fadhiga Caadiga ah ee maalin khamiisa Maayarku furay maalin Isniina ahna uu soo xidhay ee Saacadaha kooban socday ? Miyayna Wasaarada Arimaha Guduhu la socon in Sannadka 2018 ee Todobada Bilood tageen Sadex Fadhi oo caadi ah ku baaqdeen hogamin xumada Mayarka Gabiley ?

Mar kale,Xilldhibaan Axmad Siciid waxuu ku eedeeyay Wasaarada Arimaha Guduhu in aanay la socon hadal qoraalada Shirarka ee Waajibku ka saaraa iyo in ay la socoto  maamul xumada iyo hogaamin xumada Maayarka Gabiley ku keenay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley,waxaanu dull joogsaday Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Dagmooyinka Xeer Lr 23 QODOBKIISA 89’aad ee ka hadlaya Miisaaniyada Golaha Dagmada.

XISAAB XIDHKA GOLAHA DEGMADA.   

1.Xisaab xidhka Golaha Degmada ha noqdo mid Bileed,Saddex Bilood,iyo Hal sannoba waxa loo soo gudbinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo leh hubinta iyo sixidda shuruucda Xisaabaadka, hal nuqulna waxaa loo gudbinayaa Hanti dhawrka Guud ee Qaranka.

Ugu dambayn,Xilldhibaan Axmed Siciid Kibaar Ayaa  baaq  u diray Bulshada G/Gabiley  sheegayna  in  Wasaarada Arimaha Guduhu ka gaabisay waajibaadkii sharci ee ka saaraa hubinta hanaanka Xillgudasho ee Maayarada dalka,loona baahan yahay in ay Wasaaradu u hiiliso hantida Bulshada Gabiley ee lagu takri falayo ee la Musuqmaasuqayo,in ay u hiiliso Xeerka iyo Sharciga dalka ee la caadaystay in uu ku tunto oo jabiyo,waxaanu Xilldhibaan Axmad Siciid Kibaar u soo jeediyay Wasaarada Arimaha Gudaha in ay gudato Waajibaadka sharci ee ka saran in ay Maayarka Gabiley ku soo celiso ku dhaqanka Xeerka iyo Sharciga dalka .

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

Exit mobile version