WAJAALE NEWS

War Deg Deg ah ;Maayarka Magaalada Gabiley Oo Xabsiga U Taxaabay Xubin Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye,

Gabiley(W,N) Maayarka Maagalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi  ayaa xabsiga utabaaxay mustafe nuur xirsi oo kamid ahaa xubnihii firfircoonaa  xisbiga kulmiye ee gobolka Gabiley.

Wararka Aanu ka helayso Xadhigan  Sida ay noo xaqiijiyeen dad Goob joog ahaa ayaa sheegay in Maayarka Gabiley saaka Amar kusiiyay Ciidamada ilaalada Xafiiskiisa in la xidho musatfe nuur oo Xiligaa Xafiiska Maayarka UTagay Hawlo Shaqo,

Xadhiga Musfate waxaa sobobtay kadib markii xafiiska loo diiday ayuu “maayarka ku yidhi Maayar marka aad timaado xafiiskana Askar Ayaad Is Hordhigaysa Marka Ma Joogtid.

Taasi oo maayarku dhibsaday kadib uu ciimada ku amray in la xidho muwaadinkan.

Xubintan ka tirsan xisbiga kulmiye ee maayarka gabiley xidhay ayaa ilaa hada ku xidhan saldhiga magaalada gabiley isagoo diiday amar danbe oo kasoo baxay maayarka uuna yidhi hala siidaayo, balse uu muwaadinkani dalbaday in wixii lagu soo xidhay loo sheego hadii uu danbi galayna sharciga la horgeeyo.

 

Sikastaba ha ahaatee Maayarka Magaalada Gabiley ayaa Mudooyinkan Danbe ku kacayay falal sharci baalmarsan oo uu ku cabudhinayo shacabka magaalada  taasi oo laga cabsi in sobobto kala fogaansho Reer Gabiley Iyo xukuumada ay Taageerada Balaadhan Siiyeen Ee Madaxwayne Biixi.

Wixii kasoo kordha xadhiga xubintan ka tirsan xisbiga kulmiye Mustafe Nuur Xirsi kala soco Wararkeena danbe,

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version