Hargaysa (WJN)- Waddamada Faransiiska iyo Jarmalka ayaa xukuumadda Tehraan cadaadis ku saaraya in aysan ka bixin heshiiskii hubka niyuukleerka.
Waddamada reer Yurub, Shiinaha iyo Ruushka ayaa mas’uuliyiinta dalka Iraan kula kulmaya magaalada Viena si ay isugu dayaan sidii heshiiskaasi loo badbaadin lahaa maadaama Mareykanka uu hore uga baxay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka, Heiko Maas, ayaa ka digay in dhaqaalaha dalka Iraan uu burbur weyn la kulmi karo haddii Iraan ay ka baxdo heshiiska ay kula jirtay quwadaha caalamka.
Balse sidoo kale waxa uu walaac ka muujiyay in reer Yurub aysan awoodin in ay magdhow siiyaan shirkadaha ganacsigooda kala baxaya gudaha dalka Iraan sababo la xidhiidha xayiraadaha cusub ee uu Mareykanka ku soo rogay shirkadaha ganacsiga la sameeya Iraan.
Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska, Jean-Yves Le Drian, ayaa sheegay in aan heshiis kale oo dhaqaale aan la gali karin xilliga ay dhaqan galayaan xayiraadaha Mareykanka.
Dhanka kale, dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay doonayaan in ay badbaadiyaan heshiiskaasi.
Mareykanka ayaa kal hore shaaciyay in uu ka baxay heshiska niyuukleerka ee Iraan.