Hargaysa (WJN)- Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargaysa ayaa waxa ay maanta ka hawl galeen dab xoogan oo ka kacay qaybo ka mid ah Wakaalada Biyaha Hargaysa.
Dabkan ayaa noociisu ahaa Guri daara kaasoo ahaa mid ka mida xaruumaha wakaalada Biyaha oo ay yaaleen lacago badan oo ka mid ahaa mushaharkii shaqaalaha Wakaalada Biyaha.
Ilaa hadda lama Garanayo sababta dhalisay dabkaas lkiinse Ciidanka Dab-demiska ayaa hawlgalka ku guuleystay waxaana ciidanku xakameeyay Dabkaa, iyadoo ciidanku soo badbaadiyay Hanti ahayd Laba Joonyadood oo Shilinka Somaliland ah, sidoo kale ciidanku waxaa uu dabkaa ka xakameeyay Guryihii kale ee u dhawaa goobtaas.
Masuuliyiinta Wakaalada Biyaha Somaliland ayaa ilaa iyo hada aan ka hadal dabkan ka kacay xarunta wakaalada biyaha iyo waxa sababay.