Qodob waan ku diirsaday, Laakiin mid saluug baa igu jira.
Ta lacagta caawimada, aad baan ugu diirsaday sidaad u dhigtay. waxan aniguna inoogu bushaaraynayaa haddii aynu ku adkaysano mawqifkaas, oo aynaan walaacin in ay iyagu inala baryi doonaan mucaawinada ama aynu kaba maarmi doono.
Ta Faysal Cali waraabe, madaxweynaha waxan u sheegayaa in aanu Faysal maanta bilaabin metelaadda uu kugu metalaayo arrimaha waddanka-isagoo ah xisbi mucaarid ah- beryahan-ba isagaa haystay minbarka; aniga iyo dadka ila midka ahi waxanu u naqaanna in xilka madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ay ka mid tahay ka qudbadaynta kolba xaaladda taagan.
Farqiga kaliya ee u dhexeeyaa waxa weeye tani waa arrimha dibadda, halka ay markii hore ka Ahayd arrimaha gudaha; haddaba madaxeweyne waxan kuu soo jeedin lahaa in aanad nin xisbi kale ah ka ogolaan in ammuraha waddanka uu ka hadlo isagoo Adiga ku metelaya. Xataa arrintaasi ma aha kaliya khalad ee xataa waa Qayru dastuuri; Noo sheegtay in aanad immika ogeyn, laakiin marka lala akhriyo ficiladii hore waa wayd arrinkaasi.
Civil society activist; Prof Cabdi Cali Jaamac; Noolaada; Noolaada.