Dabayaaqadii sannadkii 1987 kii markii ay Soomaaliya iyo Itoobiya heshiinayeen, waxa ay Soomaaliya isku dayday in Itoobiya ay ka baxdo dhulka Soomaalida ee hore uu Ingiriisku ugu wareejiyey (Hawd and Researve Area). Waxa ay ku doodaysa in uu heshiiskaasi sharcidarro ahaa, maadaama oo Ingiriisku uu ahaa gumayste aan dhulkan lahayn Soomaalidana aan waxba laga weydiin.
Itoobiya arrintaas si adag ayaa ay uga hortimi, iyada oo cuskanaysa qodobka 12naad ee axdiga Viena 1978, oo ka hadlaya marka qaran beddelo qaran hore u jiray (State Succession) in qaranka cusub (Xukuumad looma jeedo) ay waajib ku tahay in uu fuliyo, waajibaadkii, heshiisyadii iyo axdiyadii uu qaranka meesha ka baxay ku jiray.
Qaran ka bixistaas oo uu axdigu sheegayo in ay noqon karto;
- b) Dal uu hore gumayste u haysan jiray oo gobannimo qaatay, maamulkii gumaystuhuna meesha ka baxay
- t) dalkii oo khariiradda ka baxay kaddib markii dhulkiisii ay dalal kale qabsadeen,
- t) dal ka soo go’ay ama ka madaxbannaanaaday dalka qaybtiisii kale, iwm.
Haddaba, haddii ay Itoobiya waqtigaas qodobkan ku faa’idday, maanta oo 34 sano kaddib ah ayaa uu caqabad ku yahay doonisteeda ah in la tirtiro heshiisyadii gumaystayaashu ay ka faa’iidaysiga biyaha niilka ugu qaybiyeen dalalkii ay haysteen. Kuwaas oo uu ugu weyn yahay heshiiskii December 1906, oo ay dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaanigu ku gaadheen in biyahaas saamiga ugu badan loo ogolaado Masar iyada oo la ilaalinayo danaha Ingiriiska.
Itoobiya waxa ay ku doodaysaa in aanu heshiiskaasi qabanayn maadaama oo ay ahayd xilli gumayste, oo aanay xor ahayn dalalkani. Laakiin qodobkii 12naad ee axdiga Vienna ayaa ay weyday meel ay ka dhaafto, iyda oo weliba mararka qaarkood la xasuusinayo in iyadu ay hore u adeegsatay.
QALINKII; Kamaal Marjaan