WAJAALE NEWS

Jabuuti oo dooneysa In La Dhameeyo Muranka Dhinaca Xudduuda Ah Ee Kala Dhaxeeya Eritrea

Djibouti (WJN)- Dowladda Jabuuti ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka codsatay in uu gacan ka geysto sidii muranka xudduuda ee kala dhaxeeya dalka Eritrea, sida ay faafisay wakaaladda wararka AP.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay heshiis nabadeed wada sixeexdeen Eritrea iyo Itoobiya kadib 20 sano oo ay dirir ka dhaxaysay.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay Maxamed Siyaad Ducaale ayaa warqad u qoray xoghayaha guud, wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in Jabuuti ay doorbideyso in arrinka la hordhigo garsoor caalami ah si ay go’aan uga gaadhaan.

Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore.

Waxa kale oo ay Jabuuti sheeganaysaa in wali laga haysto maxaabiis dagaal oo aanan meelna lagu sheegin.

Tan iyo intii heshiiska nabadeed ee taariikhiga ah ay gaadheen dowladaha Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa isa soo tarayay boggaadinta caalamka ka imaanayso iyo baaqyada ah in nabbadda la adkeeyo.

Eritrea ayaa muran xudduuddeed kala dhaxeeyaa dhammaan dalalka dariska la ah, sida Suudaan, Yemen, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaase hadda muuqda saansaan ah in dublamaasiyadda ay shaqayn karto.

Xaqiiqda ah in Eritrea iyo Itoobiya ay ku kala baxayaan go’aankii guddigii Qaramada Midoobay ee magaalada Badme u go’aamiyay in ay Eritrea leedahay, ayaa waxa laga yaabaa in Jabuuti iyo dalal kalena ay u furantahay in ay Eritrea ku kala baxaan gogol caalami ah.

 

Exit mobile version