WAJAALE NEWS

Ciidamada Booliska Belgian iyo Faransiiska ayaa si wadajir ah u raadinaya labo ruux.

Hargeysa(WJN):- Ciidamada Booliska Belgian iyo Faransiiska ayaa si wadajir ah u raadinaya labo ruux kadib markii rasaas lagu soo ridey booliska weerar ka dhan ah argagaxisada oo ka dhacay magaalada Brussels.

Weerarkan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen afar ruux oo u dhashay dalka Belgian iyadoo wadooyin ku yaal duleedka magaalada Brussels ay Boolisku xireen.

Iska horimaadkan ayaa wararka ay sheegayaan in lagu diley mid kamid ah raggii hubeysnaa halka labada kalana weli la baadigoobayo. Howlgaladan ayaa waxay xiriir la leeyihiin weerarkii lagu qaaday magaalada Paris iyadoo lagu diley 130 ruux bishii November ee sanadkii hore, waxana weerarkaas sheegtay inay ka dambeeyeen ururka IS.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in aroornimadii hore ee saaka ay ceyrsanayeen labo ruux oo ay tuhunsanaayeen iyadoo labadaa ruuxna ay ku baxsadeen saqafka sare ee guri. Afhayeen u hadlay xeer ilaalinta dalka beljimka ayaa sheegay in qofka lagu diley weerarkan uusan ahayn Salah Abdesalam oo lagu tuhunsanaa inuu qeyb ka ahaa weerarkii Paris.


Hargeisa Office


Wajaalenews.net
Wariye:-Abdiqadir Habane

Exit mobile version