HARGAYSA(W,N) Tan iyo markii uu madaxwayne muuse biixi la weeregay xilka madaxwaynenimo waxaa gabi ahaanba is badalay masuuliyiintii madaxtooyada, iyadoo meesha laga saaray wasaaradii madaxtooyada isla markaana kaliya uu madaxwyne biixi magacaabay agasimaha madaxtooyada
Sidoo kale waxa isna la magacaabay afhayeenka madaxtooyada oo loo magacaabay masuul hore xil wasiirnimo ka hayay xukuumadaii Axmed Siilaanyo.
Waxaan dhanka kale meesha laga saaray la taliyayaashii fara badnaa ee madaxwaynihii hore halka ilaa hada aan lagarayn lataliyayaasha rasmiga ah ee madaxwayne muuse biixi marka laga reebo xubno kamida kuwii hore oo xafiisyadoodii sii fadhiya walow aan sicad loo ogayn saamayn talo ee ay ku leeyihiin madaxwaynaha.
Maxamed cali bile waa Agaasimaha Madaxtooyada somaliland wuxuna kaligii Maamulaa shaqadii ex wasaarada oo xiligii xukuumada siilaanyo ay ku magacawnaayeen wasiir, wasiir kuxigeen iyo wasiirul dawle.
Iyadoo masuulka ugu awooda badan ee xukuumadii siilaanyo uu ahaa hadba masuulka ku magacaaban wasiirka madaxtooyada
Marka laga tago isbadalka maamul ee ka dhacay qasriga madaxtooyada maxaa iska badalay shaqadii ka socotay Qasriga?
Afhayeenka madaxtooyada ee xiligan ma yahay masuul ku haboon shaqadan mase qabtaa hawlihii ay qaban jireen masuuliyiintii xilka uga horeeyay?
Aqoontii iyo waayo aragnimadii laga tuhmayay Maxamed Cali Bile Maxaa ka rumoobay? Mala odhan karaa wuxuu raadinayaa awoodii shaqo ee wasiiradii soo maray wasaarada madaxtooyada oo xiligan uu isagu ku jiro booskoodii?
Afhayeenka madaxtooyadu Maleeyahay Awood uu ku gudbin karo hawlaha uu ku magacaaban yahay? Mise shaqadiisu xiligan waxay ku kooban tahay uyeedhida warbaahinta iyo akhriyida waraaqaha kasoo Baxa Madaxwayne.
Dadka ka odhaw qasriga madaxtooyada somaliland ayaa labadan masuul ee ugu sareeya xiligan hawlaha madaxtooyada ku tilmaamay kuwo aan sifiican u gudan karin hawlaha culus ee yaala madaxtooyada iyadoo intaa ay raaciyeen in xiligan ay qasriga Madaxtooyada ay ka jirto Habacsanaan shaqo iyo khilaaf huursan oo u dhexeeya xubnahan u badan dhalinyarada ee aan hore shaqo dawladeed usoo maamulin marka laga reebo afhayeenka oo ahaa wasiirul dawle iyo kuxigeen aan marka hore shaqo toosa maamulin.
Sikastaba ha ahaatee xukuumada madaxwayne muuse biixi iyo masuliyiinta uu xilalka uu u magacaabay ayaa lagu tilmaamaa kuwa aan ku haboonayn xilalka loo dhiibay taasi oo durba maalinba maalinta ka danbaysa ay soo baxayso khibrad la,aanta ka muuqata iyo dayac shaqo oo muuqda ,
LASOCO ;
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM