WAJAALE NEWS

Muj Cali Guray Oo ka Hadlay Mawqifkiisa Qabsoomida Shirka Beelaha Gar-xajis.

WAR NABADA LAYDIN SII

Qabsoo Anigu ninka weligii shir reer ka qaybgalay ku reerakaygu qabsadayna ha noqdo ma ihi. Allay lehe hadii abaabulkiisa lagu murmo way qabsan karaan iyo ma qabsan karaan ayuun baan mawqifkayga cadeeyaa oon idhaa way qabsan karaa oo xaq bay u leeyihiin ma kuwii shiray ee la ogolaa bay ka duwan yihiin. Hadii kale mana hambalyeeyo shuqulna kuma darsado halkaana uma dhaafo.

Inta badan wax xumi kama soo baxaan reer shiray oo hogaamiye dhaqameedkiisii iyo waxgarad,kiisiiba ay goobjoog yihiin go’aamada ka soo baxa shirarka reeruhu qabsadaanna waaba isku mid oo waxba kuma kala duwanaadaan. Xataa hadii ay jiraan shakhsiyaad marka hore abaabulkiisa dano gaar ah ka lahaa marka la isu yimaado sidii ay doonayeen wax waliba uma dhacaan sababtoo ah danaha gaarka loo kala leeyahay reer ku heshiin karaa ma jiro ee danaha la wada leeyahay ee reerka ka dhexeeya ayuun buu reer ku heshiin karaa hadii ay dano siyaasadeed yihiin reer walba wuu leeyahay kuwo mucaarid ah iyo kuwo muxaafid ah oo kala dano ama kala aragtiyo siyaasadeedba ahi. Markaa aniga xagayga shir reer oo dhami iigama duwana laba-kaclayntii xiligii Siyaad Barre ee Cabdiqays lahaa:

Filimkii mar quufliyo

Qarni hore la ii dhigay

Sheekadaan qawadayeen

Qarqarsiga ku fiirsaday

Qisaday metelayeen

Jilayaasha qaawani

Qoormurux haduu rabo

Qasab inan ku daawado

Mar labaad ku qabatimo

Qorshihiisu waa nacas

Markaa anigu shir reer marna ma sharaysto wax wayn oo muhiim ahna kama filo inay ka soo baxaan laakiin khayr baan u rajeeyaa kan Ismaaciil Sheekh Isaxaaqna khayr baan u rejeynayaa kana rejeynayaa.

MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

Exit mobile version