WAJAALE NEWS

Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani oo Ka hadlay Siidaynta boqor Buurmadow

Hargaysa (WJN)- Agaasime ku-xigeenka Kaluumaysiga iyo khayraadka bada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Maxamed Cali ayaa waxa uu ka hadlay siidaynta boqor Cismaan Buurmadow waxaana uu sheegay in boqorku galay danbi qaran islamarkaana ay tahay in uu qirto.

Sidoo kale Agaasime Axmed Maxamed Cali ayaa waxa kale oo uu ka hadlay isku shaandhaynta la filayo in Madaxwayne Muuse Biixi ku sameeyo golihiisa wasiirada isagoo sheegay in jaanis la siiyo masuuliyiinta hada jooga, Dhanka kale Axmed Maxamed Cali ayaa waxa uu sheegay in dib u habayn lagu samaynayo xisbiga Waddani.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Exit mobile version