Hargaysa(W,N) Mareykanka ayaa si cad u diiday qaraar uu golaha aammaanka Ee Qaramada Midoobay uu soo saaray oo ku baaqayey in la Qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka Falastiin.
Qaraarkan qabyada ah oo ay diyaarintiisu ka dambeeyeen Waddamada carabta, ayaa waxaa lagu qeexay adeegsi awoodeed oo aan iisu dhigmin loona meel dayin oo ay Iraa’iil u adeegsato shacabka Falastiin iyo Gantaallada ay Falastiiniiyintu Qaza ka soo ridaan ee ku dhacaya gooba ay deggan yihiin Israa’iiliyiin rayad ah, balse qaraarka ururka xamaas laguma soo hadal qaadin.
Toban dal oo ay ka mid yihiin Fransiiska Shiinaha iyo Ruushka ayaa meel marinta qaraarkaasi u codeeyey, halka ay afar dal oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Ingiriiska ay ka aamuseen.
Danjiraha Mareykanka Nikki Haley, ayaa waxay qaraarka ku tilmaantay “mid hal dhinac u xagliyo”.
Qaraarka uu sida cad uga soo horjeesatay Mareykankana waxaa si weyn u cambaareeyey ururka Xamaas.
Wararka ka imanaya Qaza ayaa waxay sheegayaan in kalaakaaliso caafimaad oo si tabarruc ah uga howlgaleysay Qaza oo xidhnayd dharka cad ee astaanta u ah xirfadlyaasha caafimaad iney ciidamada Israa’iil ku toogteen meel u dhow xadka Qaza.