WAJAALE NEWS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo Ka hadlay Colaada deegaanka Tukaraq, Soona bandhigay habka Loo Xalin Karo

Hargaysa (WJN)- Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaalada Guud ee Deegaanka Tukaraq oo ay wali isku hor fadhiyaan Ciidamo kala taabsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Xasan Sheekh Bartiisa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, ayuu ku soo saaray 5 Qodob oo sida uu sheegay lagu damin karo Colaada Tukaraq oo barakicisay Boqolaal kamid ah Qoysaskii deganaa deegaankaas.

 

Qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u qornaa Sidan:

Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay.

Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan.

Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN”

 

Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

 

In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qudha. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:-

 

  1. Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.
  2. In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.
  3. Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah oo ka dhaca TUKARRAQ lafteeda
  4. Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro ee berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN
  5. Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

“WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.

 

Exit mobile version