WAJAALE NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Sheegay in dowladiisu diyaar u Tahay qancinta Shacabka Somaliland

Muqdisho (WJN)- Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagu qancinayo shacabka Somalialnd.

Madaxweyne Farmaajo oo boggiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa waxa uu xusay in dowladda uu hogaamiyo ay diyaar u tahay in la lafaguro oo miiska wadahadalka lasoo dhigo waxkasta oo lagu kasban karo kalsoonida shacabka Somaliland.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Somaliland uu munaasbaddii 26-ka Juun xalay ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeeyso tallaabooyin cadaawad muujinaya, isagoo sheegay in xukuumadda Farmaajo cunaqabateyn kusoo rogtay deeqihii ay beesha Caalamka ka heli Jirtay Somaliland.

 

 

Exit mobile version