|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Farmaajo oo Sheegay in dowladiisu diyaar u Tahay qancinta Shacabka Somaliland
June 26, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagu qancinayo shacabka Somalialnd. Madaxweyne Farmaajo oo boggiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa waxa uu xusay in dowladda uu hogaamiyo ay diyaar u tahay in la lafaguro oo miiska wadahadalka lasoo dhigo waxkasta oo lagu kasban karo kalsoonida shacabka Somaliland. Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Somaliland uu munaasbaddii 26-ka Juun xalay ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeeyso tallaabooyin cadaawad muujinaya, isagoo sheegay in xukuumadda Farmaajo cunaqabateyn kusoo rogtay deeqihii ay beesha Caalamka ka heli Jirtay Somaliland.
Related posts:Daawo Waraysi Xiiso Badan Oo Aanu La Yeelanay Abwaan Gufaaco+Mansooyin Cusub Oo Uu Soo Bandhigay. Hooska Daawo:Oradyahanka Caanka Ah Ee Mo Farah Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyaay Wadanka Jabuu... Midkamida Wasiirada Diiddan In Ingiriisku Ka Baxo Midowga Yurub Oo Iscasilay iyo Tirada Wasiirada Q... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|