WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland Oo Digniino Culus Soo Saaray, Shaaciyayna In Aanay Imtixaanka Galay Ardayda Sedexda Sano Ahi.

HARGAYSA(W.N) Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaaad qaranka somaliland Daa,uud Axmed Faarax ayaa digniin adag dul dhigay ardayda sanadkan u fadhiisanaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Ugu horayn gudoomiye Daa,uud oo ka hadlaya qorshaha uga yaala ardaydii ka soo booday fasaladii 8aad ee dugsiyada dhexe ayaa waxa uu yidhi “Guddi ayaanu samaynay waxaanan isla garanay oo aan waalidka iyo ardaydaba u sheegayaa in ardaygii dhamaystay afarta sanadood ee dugsiga sare hadduu rabo haka soo boodo dugsigii dhexe, waxaanu ka qaadaynaa imtixaankii dugsiga

dhexe  ee fasalka 8aad laakiin haddii uu soo dhamaystay afartii dugsiga sare wuu galayaa imtixaankiisa laguna ciqaabi maayo dugsigii dhexe ayaad ka soo booday oo imtixaanka dugsiga sare gali maysid, arintaasna waanu ka soo dabacnay laakiin tii uu ka soo booday ee fasalka 8aad waa laga qaadayaa inta aanu ka dugsiga sare galin.”

Gudoomiye Daa,uud ayaa sidoo kale ka hadlay waxa laga yeelayo haddii ardaydu dhaco imtixaanka fasalka 8aad  “Haddii uu dhaco marka laga qaado imtixaanka fasalka 8aad halkuu tagayaa,  waxaanu ugu tala galnay inuu fadhiisto fasalka 3aad ee dugsiga sare, maadama oo uu sadex sanadood soo dedaalayey fasalkaas ayaanu fadhiisanaynay.”

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version