WAJAALE NEWS

Xukuumadda Somaliland oo Si Adag uga hadashay Colaadda Ceel-afweyn iyo Buuqa Golaha Deegaanka Ee Berbera

Hargeysa (W,N):- Xukuumadda Somaliland, ayaa mar kale sheegtay inaan Dadka Walaalaha ah ee ku diriraya deegaannada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo xaaladdooda colaadeed sare u kacday maalmahan u dambeeyey laga yeeli doonin in dagaalku sii socdo iyo inay nabaddu ku dhimato deegaannadaas.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diirye oo Warbaahinta qaarkeed maanta kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa Baaq u diray Bulshada ku dhaqan deegaannada CEEL-AFWEYN ee dirirta soo noqnoqonaysay sannadahan u dambeeyey ka dhex-taagan tahay inay joojiyaan colaadda, caqligana ka shaqaysiiyaan oo ay nabadgelyada xoojiyaan.

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka arrimaha guduhu waxa uu Baaq u diray Xildhibaannada gobolka deegaanka degmada Berbera oo iyaguna maalmihii u dambeeyey hadallo kulul qaarkood Warbaahinta isu mariyeen, halka dhawr Xildhibaan oo Golahaas ka tirsan Maanta la ganaaxay, sida uu Maayerka Berbera ahna Guddoomiyaha golaha deegaanka ee magaaladaasi Saxaafadda ugu sheegay isla Berbera.

 

 

Exit mobile version