WAJAALE NEWS

“U Malayn Maayo In Dadka Reer Sool Ay Xiiso U Qabaan Puntland”.Badhasaabkii Hore Sool

Hargaysa (W,N)- Badhasaabkii hore gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa waxa uu ka hadlay xaalada magaalada Laascaanood iyo kacdoon shaqsiyaad kasoo jeeda Puntland ay ka wadeen Magaalada Laascaanood.

“Maalmihii ugu danbeeyay waxa magaalada Laascaanood laga waday kacdoono aad moodo in dadweynaha deegaankaasi ay ku taageerayaan maamulka Puntland oo beryahan bilaabay olole ay doonayaan inay ku hantaan quluubta dadkaasi.
U malayn maayo dadka inay wax xiiso ah u hayaan in mar kale ay gacanta maamulka Laascaanood iyo guud ahaan gobolkaba ay ku dhacdo gacanta Garoowe.
Sababaha aan taa u aaminsahay waxa ay tahay in shacabka reer Laascaanood ay soo tijaabiyeen xukunka Puntland oo mudo toban sano ah maamulayay gobolkaasi, aakhirkiina ka rawaxday , iyadoo aan ka tegin wax la taaban karo oo muuqda, balse waxa keliya ee ku sii hadhsanaa quluubta dadka ay ahayd in laga raystay dilkii joogtada ah maalin walba ka dhacaayay badhtamaha magaalada ama goolada Laascaanood iyo dhawaqii rasaasta ee ku dhamaanayay wararka dhiilada lahaa ee ahaa maantana hebel baa la dilay.
Tobankii sano ee ay Garoowe ka talinaysay magaalada Laascaanood ma jirin wax mashaariic horumarineed ah oo ay ka hirgelisay Laascaanood, haddii laga tegi waayana waxa ay ka tageen, iyadoo dhismihii keliya oo dhawr qol ah oo maxkamada gobolka uu qabyo yahay, halka dawlada Somaliland mashasriicda ay ka fulisay ama hirgalay intii ay gacanta ku haysay ay kor u dhaafayaan kuwo ku dhaw labaataneeyo milyan oo dollarka maraykanka ah.
Tusaale ahaan toddobadii sano ee uu dalka hayay Madaxweyne Siilaanyo waxa Laascaanood laga hirgeliyay mashaariicdan aan qaar ka mid ah hoos ku sheegi doono:-
1. Jaamacda Nugaal
2.Garoonka kubada cagta ee Laascaanood dhismihiisa iyo dhigista rooga
3.dhawr iyo toban oo KM oo laamiya
4. Dhismayaasha xafiisyada dawlada intooda badan
5.dhismaha Iskuulka boodhinka ah ee Laascaanood oo lagu fuliyay aduun dhan 3 milyan dollarka maraykanaka ah.
6.dhismaha iyo dayactirka cisbitaalka guud oo ay ku baxday aruun dhan 3milayn oo dollar.
Waxa.xaqiiq ah in dadweynaha reer Laascaanood aanay marnaba xiiso u qabin in maamulka ay hayb wadaagta yihiin uu dib ugu soo noqdo oo ay ku bedeshaan horumarka ay Somaliland ka wado gobolkooda, haseyeeshee waxa ay ila tahay in sababaha kacdoonkan dabada ka wadaa ay sabab u yihiin laba qodob oon u arko inay kala yihiin
1.Tiiyoo siyaasada dhinaca hadalka ama kasbashada dadweynaha lagaga xoog roonaaday xukuumadda uu hormoodka u yahay oo hadalada qaar ay dhibsadeen reer Laascaanood gaar ahaan jumlada ah “awowyadiin soo wareysta”.
2. Iyo saluug ka jira qaar ka mid ah ragga u metalaya deegaanka oo kasban kari waayay shacabka ay xukuumadda ugu jiraan .
Haddaba waxa ay ila tahay in reer Sool aanay muxibo badan u hayn Garoowe oo ay og yihiin waxtar la’aantooda oo Tukaraqdii ay maalin walba 40000$ ka helayeen xitaa inaanay MCH uga tegin, balse ay tahay in Madaxweyne Muuse Biixi uu dib u eego cida inoo dhaxaysa inaga iyo reer Sool.”

 

Badhasaabkii Hore gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

Exit mobile version