WAJAALE NEWS

SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’AH?. W/Q: Liibaan Shaadiro Qaybtii 1aad

Ugu horeen magaca Eebe, sareeye aan ku bilaawno Bismilaahi Raxmani Raxiim, qalinku isagaa ku haga kugu haga tobta tolmoon, waxaan manta qalinka u qaatay inaan ku ifiyo kuna soo bandhigo ula jeedka halku dhiga maqaalkaygan oo ah “ Somaliland ma waxbaa u dhiman mise waxbaa ka si’ah”. Maqaalkani oo noqon doona mid Taxane ah kuna eegayno Amuuraha Siyaasada, Dhaqaalaha, Dhaqanka bulshada iyo wax kasta oo hoos imanaya halku dhiga maqaalkeena. Somalidu waxay ku maah maahdaa Alif kaa qaloocsamay Albaqra ayuu ku dhibaa, hadaynu dhanka kale ka eegno somalidu waxay tidhaa Hal xaaran ahi Nirig Xalaal ah ma dhasho. Waxaan uga socdaa Somaliland dhismaheedu waxa uu ku soo dhismay nidaam hab qabaa’il ah oo markaasi loo arkayay xal inuu u noqon karo dhismaha qaran ee markaasi ay doonayeen dadkii wada dagana goboladda waqooyi, kuwaasi oo dhismihii dib u dhalashada qaranka Somaliland ee 1991 ay isugu yimaadeen dhaman dadkii degankaasi ka soo wada jeeday ee doonayay inay helaan qaran madaxbanaan oo iskii isku maamula, waxay bulshadii heshiiska wada gashay soo dirsadeen ergooyin matala beelahaas deegaan xigsiisanka ah ee danta dhaqan dhaqaale iyo deeganba wadaagayay.

Nidamkaasi waxa uu dhalay kulankii labaad ee 1993 ka dhacay Borama kaasi oo isna maray wadadii kii hore lagu qabtay ee ahaa ergooyin ka kala socdaa deegaamadii reeraha Somaliland wada dagaa; degan yihiin, nidaamkii ka dhashayna uu muddo uu sii shaqaynayay, walaw markii danbe dhaman bulshada reer Somaliland isla qaateen in loo guuro nidamka habka xisbiyadda badan, halkaasi oo lagu aas aasay xisbiyo fara badan oo u tartama doorashooyinka Gole degaan, Gole sharci Dajin Iyo Gole Fulin nimeedba, taaso magaca ahaan dalka Somaliland uu noqday dal u guuray nidaamka hanaanka Dimuqraadiyad siyaasadeed ee aduunka intiisa badaniba ku hanaqaadeen ku dhaqan kiisa iyo hirgalintiisa. Hadaba su’aashu waxay tahay madama ooy Somaliland qaadatay ku dhaqanka iyo hirgalinta hanaanka Dimuqradiyad siyaasadeed Maxaa ka dhiman maxaase ka si’ah? Horuu xigmad yahan somaliyeed u yidhi Hashu Maankay Gadee ma Mansaar bay liqday, sida Somaliland u socotaa ma tahay sidii waafaqsanayd Haankaas aynu kor kusoo xusnay? Maxaa hortaagan dhaqan galinta hanaankaas inta badan dawladaha isticmalay ku hanaaqaadeen?

Faduuli aan noqdee waxaa maskaxdayda kusoo dhacday tix ku jirtay maansadii Daba-Huwan Allah ha barakeeye Abwan macalin Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo odhanaysay mar uu ka hadalayay nidamka dawladnimo, waxanay ahayd sidan:-

Qofkaad Shar u diidan tahay

U doortay Si khayr ku Jiro

Ayaa misna Kuugu Duda

Waxaad uga daacad tahay

Hadaba, anigoon hadalka badi-na hayn hadana aan kusoo kobo inyaroo kooban ka jawaabista iyo falan qaynta nuxurka hadal qoraalkayga ee u dhignaa Somaliland Ma waxbaa ka si’ah mise waxbaa u dhiman? Aniga aragtidayda gaaban hadii aan ku iftiimiyo wax na waa u dhimantahay waxna waa ka si’ oo labada erayba sifaheedii iyo astaanteedii waa leedahay.  Somalidu hore waxay u tidhi OOdo dhacmeed siday u kala sareeyaan ayaa loo guraa ee aan ku horeeyo waxa u dhiman qaran kayga barakaysan ee Somaliland.

Hadaba, sidaynu kor kusoo xusnay iyadoo kooban nidamka iyo hananaka dhismihii dawladnimo ee Somaliland iyo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo gabagabadii hanaankii wacnaa ee ay qaadatay waxaan leeyahay waxbadan ayaa u dhiman ku dhaqanka iyo hirgalinta hanaanka dimuqradiyada siyaasadeed ee aynu qaadanay:

  1. Waxay ahayd in xisbiyaddi ku dhashay nidamka hanaanka dimuqraadiyad siyaasadeed ee Somaliland qaadatay noqdo mid wax ka badala hab siyaasadeedka xisbiyadu, balse nasiib xumo ma dhicin waxay noqodeen qaar ku dhisan hab qaba’il oo xagjirnimo iyo xajiini ba ku dheehantahay, nidaamkaasi oo ahaa ka aynu rabnay in uu isbadal tolmoon oo qaranka hore uga socodsiiya halka uu taagnaa noqdo. Waxay nu so aragnay oo ina soo maray ilaa hadana ina hortaagan xisbiyo, halku dhig ay u tahay reer hebel muxuu ina tarayaa tiro ahaan, xisbiyo nidaamka sharci ee ay u dajisteen kala socodsiinta hawlaha u yaala uu yahay mid qoraal un ah oo miiska saran balse ku dhaqankiisa ay ka awood iyo sharafba badantahay ku dhaqanka Tolaay yaa reer hebel ah, Ilaahay balankiiye idinkaa ka markhaati ah intaas aan sheegayba inay yihiin hal gudhiga xisbiyada jira haday tahay xisbul xaakim iyo haday tahay xisbi mucaarid ba, waana waxa ugu horeeya ee hore usocodka iyo hanaqaadka qaran uu ka bilaabmo waana waxa wali u dhiman qarankeena barashadeeda iyo ku dhaqankeedu.

Kolkaan arko hanaanka foosha xun eek u dhisan qabiilka iyo qabyaalada ee xisbiyadeenu hormoodka ka yihiin, haday xisbiyadeenu sidan sii ahaadana dib u socod mooyee hore usocod kaa maqan kana dheer. Waxanse xasuustay tix ku jirtay mansadii Hogaamiye ee Abwaanka da’da yare e Allah cilmiga iyo caqligaba ha u siyaadiyee Xasan Dahir Ismaciil (Weedhsame) tiriyay waxanu yidhi:-

Himilada dad leeyahay

duul baa usoo hadha

Hawadoodu been iyo

Damac iyo hunguri tahay

Hilinkay kuseegaan

Harawsiga is moosiis

Dadna way haleeyaan

Dad ma kala hambaystaha

Danta uma hagoogtaha

Maantada habaaskiyo

Halasuhu ku yuu raro

Iyagoo habeen qada

Codka ii hibeeyiyo

La dhax tagay hinaasuhu

Ma hogaamiyuu noqon?

  1. Siyaasi duruufihii dagaaladu siyaasi ka dhigeen, misena soo shaac baxay xiligii kala guurka iyo xalka, ee siyaasiyiintii waawaynayd ee wakhtigaasi joogay ku dhisayeen qaranku, markii ay dhiseen qarankiina kuna dhiseen nidamkii iyo hanaanki xalku, go’aansadeena inay u guuraan nidamka Xulka ee hanaanka xisbiyada badan, la soo hana qaday xisbiyada aynu kor ku xusnay ee habka qabaa’ilka ku dhisani, mantana ah hormoodka siyaasi shacabkeenuna wax ka dhagaystan, aynu doonaynana inay meel ina gaadhsiiyaan, jecelnahayna in qaranku ku talaabsado nidaam horumar iyo wax soo saar, miyay kula tahay in uu ina gaadhsiin doona halkaynu hiigsanayno, ilayn waa siyaasi bilaw ilaa dhamaad ku hanaqaaday Afmiishaarnimo, qabiil dabada gali oo tolaay yaa reer hebel ah dhe, u haysta aqoonta, kartida, iyo maskax badnaantaba sida kolba lookala Afmiisharsanyahay iyo sida kolba tolka loogu kala xidhan yahay. Taasi oo macnaheedu yahay in wali ay  Somaliland u dhimantahay sidii ay siyaasi aqoon, karti, daacadnimo, diin iyo lexejeclo wadaniyadeed ay ku dheehantahay loo heli lahaa, waxanse markale xasuustay Maansadii Daba-Taxan ee AHUN macalinkii waynaa Abwan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye uu tiriyay tix ku jirtay oo ahayd sida tan:-

Haddaan gabay dan uga baxo
Ama dhaafo dooyada
Dacar igu hulaaqdiyo
Qalin-daar ma waayee
Maantana Abdeeqow,
Wax i “dubuq” yidhaa jira.
Duulka aan u naqayana
Dhedaa saaran lagu dedey.
Dabbaalnimana kama aha
Dagan maahsanaantiyo
Wixii laga dagaallamay
Wax u dooriyaan jirin.
Anigana dac-gudhantii
Gacmahaygu diirmoo
Weli dowliskaygii
Dirri buu ku dhacayaa.
Dalcadduna ma dheeree
Nimaan kaba dareen qabin
Inuu dayn ka maqan yahay,
Ayaan doono lagu karin.

La soco qaybaha danbe

Guul iyo Gobanimo

Waxa Qoray: Liban Abdi Hassan (Shaadiro).

Barre sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalka

Tell: 063-4474429

Email: liibaan_genius@hotmail.com

Hargeysa/ Somaliland

 

Exit mobile version