HARGEISA(WAJAALENEWS) Sida lawada ogyahay ilaaahada bushada ku dhaqan caasmiada hargaysa mahayso jaaab sugan oo ku sahabsan biyo la,aanta haysata hargaysa. Runtii waa su,aal iswaydiinleh sababta ay caasimada hargaysi u biyo laadahay, hadaba markaan u kuurgalay isla markaana aan sameeyay daraasado badan oo taabanaaya dhinacyo badan oo kusaabsan sababta ay hargaysi u biyo la,aadahay.
Tan iyo markii ay xukuumada Axmed siilaanyo talada dalka la wareegtay waxa isasoo tarayay biyo la,aan baahsan oo haysata bulshada ku dhaqan caasimada hargaysa, taas oo biyuhuna ay yihiin laf dhabarta nolosha ee aasaasiga ah ee bulshada, hadaba daraasadii aan sameeyey waxaan ku ogaaday waxyaalo dhawra oo ay kamidyihiin
1- Ogaanshaha cadadka dhabta ah ee biyaha soogala hargaysa oo markaad dhinac ka egto ku filaankarta bulshada ku dhaqan caasimada hargaysa sax meloodoow laba meelood, taasina ay ubaahantahay qof xirfad iyo waayo aragnimo uleh gaadhsiinta biyaha caasimada, balse aanay jirin taasi
2- Musuqmaasuq hadheeyay wakaalada biyaha hargaysa, tusaale ahaan mashruucii world bank ka ee uu ku majara habaabiyay xaraf, halka geedeeble wax lagaga qabalahaa
3- Eex iyo nin jeclaysi aan waligeed wakaalada lagu arag
4- Dakhliga soo gala wakaalada bishii oo ah 1.4 bilyoon oo isla markaana aan la garanayn meel uu cidhib iyo jaan dhigo
5- Shidaalka maalin dhaafka utaga biyo soosaarka geedeeble oo ugu yaraan ah (10650 litre) oo dhan 53 foosto, uu maareeyaha biyuhu calaa foosto uu ku leeyahay sadex doller ( $3 ) oo noqonaysa xisaabahaan sidan 53*3=159 bishiina 159*15=$2385, 15kuna wuxuu kayimid maalin dhaafka oo biishii 15 noqonaysa .
6- Halka saldhiga labaad ee biyo soosaarka biyo shiinaha ay tagaan ugu yaraan 8200litre oo maalin dhaafa oo iyaduna noqonaysa 41*3=123 bishiina ah 123*15=$1845. Wadara labadooduna waxa weeyi $2385+1845=$4230 per mounth
7- xaga saliidana ay usaarantahay calaa foosto $5 shan doller bishi,xaga saldhiga gedeeble ay tagaan sadex foosto 3*5=$15. Xaga sokana 2*5=$10 wadartuna waa 15+10=$25 bishii
Habana markaaan darisnay caqabadahaas oo dhan waxaan ogaanay inay fadhido arintu maamulka .
Sidaa daraadeed ceelasha iyo deegaan kuna waxa dibloogu celiyo majirto haday tahay dhinaca humarka iyo baahiyaha aasaasiga ahba. Waxaana leenahay madaxwayne silaanyo kaayeelimayno qawda maqashii waxna ha uqaban, haddii baahiyahaa aasaasiga ahna wax laga qaban waayo, waxaan kuu sheegayaa inaan deegaanadaasi diwaan galin ujedin ee maxwayne qandhuuftaada dib uliq .
Name xamse xasan c/raxman