WAJAALE NEWS

Biyaha Iyo Roodhidu Waa Asaaska Nolosha!Prof Cabdi Cali.

Cashuurtii Kastamka ee ay kordhisay xukuumadda cusubi waxay keentay in xabbada roodhida ahi noqoto 3000 S/l shilling halkii ay markii hore ka ahayd 2000 S/l sh.

Sidaas oo kale, Ka dib markii xukuumadda cusubi kordhisay mitir-cubigii biyaha ahaa, foostaddii gaadhi-dameerku waxay noqotay 20,000, halkii markii hore ay ka ahayd 10,000.

Korodhka rodhidu waa 50%.

Korodhka biyuhuna waa 100%;

Qodobbo badan ayaa kor u kicin kara sicirka roodhida ama biyaha; mid ka mid ahi waa xukuumadda oo kordhisa cashuurta.

La yaab ma leh, haddii ascaarta kacday ay ka timaaddo qodobada kale, ee waxa la yaab leh adigoo dawladdii ahi in aad kiciso quutal-daruuriga, in aad kabto ha joogtee!!!; maad alaabta faakahysiga saartid, haddii aad u meel-dayayso!!

Fadlan soo biiri.

Qalinkii; Prof Cabdi Cali Jaamac, u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

Exit mobile version