Nidaamka Siyaasadeed ee dalku qaatay waa nidaamka Dimuqaradi ah oo ah habka ururada iyo axsaabta badan ee Siyaasadeed , dadka ayaa awooda leh oo si toos ah ugu soo Doorta doorashooyin hogaanka dalka , iyo dhamaan kuraasida Goleyaasha ee doorashooyinka ku yimaada.
Dooradjoyinku wax hadda cusubna maaha ee waa nidaam soo Shaqeeyey oo dalka hore ugu soo caano maalay kaasi oo soo Hanoqaaday mudo dheer na soo socday , hadda may ahayn Markii ugu horeysay ee ay muuqato awooda dadku oo ay Axsaabta mucaaridka siiyaan codka ugu badan ee waxa ka Horeeyey doorashooyin kale oo isbadel siyaasadeed keenay waxaana ka mid ah ;
Doorashadii golaha wakiilada ee sanadkii 2005 waxa ay dadku u codeeyeen mucaaridka oo aqlabiyada dalka helay isla markaana noqday shirgudoonkii golaha wakiilada maadaama ay haystaan tiradii ugu badnayd golaha oo ahayd 49 mudane axsaabta mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Kulmiye halka uu helay xisbigii talada dalka hayey 33 mudane sidaasina lagu muquuniyey.
Nidaamkaasi waxa uu abuuray in caalamku Somaliland kalsooni weyn ku qabo doorashooyinka ay qabsatayna ay yihiin qaar heerarka ugu wanaagsan aduunka ku jira , waxa kale oo bogaadin noqotay in xisbigii xukuumada lagaga guuleysto Aqlabiyadii golaha waa wax aan inta badan hore uga dhicin Gobolka geeska Africa oo la yaab leh.
Waxa Somaliland ka faaiidey in goleyaasha baarlamaanku ay Noqdaan goleyaal la aqoonsan yahay sida goleyaasha dalalka Kale , waxaana uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ka Mid ahaa goleyaasha wakiilada Africa oo leh isku xidhnaan iyo Kala faaiideysi, sidoo kale waxa uu ka helay goluhu aqoon Korodhsi iyo dhaqaale u gaar ah oo uu ku shaqeyn karo.
Sanadkii 2010 waxa doorasho lagaga adkaaday xukuumadii Talada dalka haysay waxaana ay noqotay markii ugu horeysay Ee xisbi talada dalka haya xisbi kale kala wareego ilaa intii Hanaanka axsaabta badan dalku u guuray sanadkii 2001 , Waxaana ay noqotay taariikh iyo dhacdo kale oo ku sii biirtay Wanaag iyo qiimeyn badan oo aduunku Somaliland u hayey dalkana ka dhigtay mid qaaday jidkii horumarka.
Doorashadii ugu dambaysay ee 31-05-2021 dalka ka dhacday waxa ay noqotay doorasho kale oo la mid ah doorashooyinkii hore ee isbadelada ka keenay dalka waxaana aqlabiyadii helay Xisbiyada mucaaridka Somaliland oo ku guulaystay 52 mudane Oo ah golaha wakiilada iyo aqlabiyada dhamaan goleyaasha Deegaanada dalka , waxaana ay hadda haystaan 5 mayor oo ka Mid ah 7 degmo ee A da ah .
Waa taariikh kale oo tilmaamaysa in hanaanka Dimuqaradiyadeed ee somaliland in uu socdo oo ka soo kabtay Mudo kordhino badan oo dalka ka dhacay oo doorashooyinka Dib loogu dhigayey kuwaasi oo sababay in hanaanka Dimuqaradiyadeed ee dalku in uu ragaad noqdo dadka Jamhuuriyada Somaliland ka niyad jabaan hanaankii Doorashooyinka .
Doorashooyinku waxa ay soo saareen awooda shacabku leeyihiin iyo in dadka jamhuuriyada Somaliland bisil yihiin , Waxa aan hubaa hadii doorashooyinka xiligooda lagu qaban lahaa maanta dalku meel wanaagsan ayuu mari lahaa wax Badana waa laga gudbi lahaa.
Doorashadan ugu dambaysay ee labada doorasho mar lawada Qabtay waxaa ka soo baxay faaiidooyin waaweyn oo ay ka mid Tahay:
1;In dalka doorashooyinkiisa hal mar lawada qaban karo kuwaasi oo Somaliland ku haya culeysyo badan oo dhaqaale iyo dalkii oo marwalba doorasho u joog ahaa waxaana meesha ka baxay xiligii waxqabadka.
2;Waxa koobmay oo soo yaraaday hanaankii qabiilka iyo Nidaamkii qabyaaladeed wallow goleyaasha lagu soo xulay Tartamayaasha hab beeleed haddana way ka culeys yarayd Qabyaaladii qaawanayd ee wada xanafta ahayd.
3;Waxa markii ugu horeysay soo baxay murashaxiin lagu Doortay rabitaanka shacabka oo aan hanaan qabiil loogu Codeyn kuwaasi oo noqday mucjisadii doorashada , waxaana ay Kala yihiin mayerka caasimada Cabdikarim mooge iyo Xildhibaan barkhad batuun oo loo doortay golaha wakiilada .
QALINKII; Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil