WAJAALE NEWS

Gorfaynta Buugga Beerta Qoyska; Qalinkii: Maxamed Cabdi Cali Hayaan

Gorfaynta Buugga Beerta Qoyska; Qalinkii:   Maxamed Cabdi Cali Hayaan

Ee ay Qortay Nada Yuusuf Cumar

Qalinkii:   Maxamed Cabdi Cali Hayaan

Markaad soo gaadho barxada hore ee beerta …Waxad isha ku dhufanaysaa muuqaalka wajahada hore iyo magaca beerta oo khad cagaaran ku dhigan iyo waliba kan mulkiilaha ee ka hooseeya. Intaa waxa dheer, qoyska tamashlaha damaashaadka iyo rayrayntu degganaanta socodkooda ka muuqato, ee qaaday waddiiqada gasha beertan quruxda badan. Goortaad u soo dhawaato ee isa soo taagto irridda (tusmada) oo ka joog dheer dhulka intiisa kale awgeed, sidii qof daar dheer dariishadeeda ka daawanaya dacalada magaalada, waxaa ku hoos imanaaya oo aad u bogaysaa bilicda quruxdeedan lagu ashqaraarayo.

Afarta waaxood ee loo qaybiyay way soo kala horeeyaan, haddana is garab yaalaan, misena kala dambeeyaan. Hadba sidaad ka dhigato iyo xaggaad kagga timaado aday kuu taalaa. Laakiin tubta loogu tala galay in la qaado marna ha ka habaabin, tusmadu waa tan ku hagaysa tilmaamuhuna waa muhiim. Waa sidii adoo dhex mushaaxaya bustaan, midiba mida kale ayay ka xalad iyo xiiso badan tahay. Kumannaaan dhir kala jaad a, inta midho geed gaabku dhalay ee aad guran karto iyo inta geriggu daaqee guudka ka midheeya ama ubaxu ku gadaamanyahay ayaa goonyahaaga buuxdhaafinaya. Waxaad xusuusanaysaa keymaha rooban ee badhaha aad maqli jirtay ama aragtay.

Neecowda qabow, naxariista badan ee dhay gorof cugan goor aan fogayn lagu soo lisay cabbidooda ka macaan, cida shimbiraha wishiiriyaya, codka raha xamdigga naqa iyo dhulka cosobku qariyay, cindigaaggu ku farayo caawiyo habeeno badan cagta in aanad kala bixin.

Intasi waa muuqaalka buugga. Dullucda aan kusoo durko, ka dib akhrintayda  buugga BEERTA QOYSKA, qoraalkaygan waa dareen fal celineed iyo wixii aan kala kulmay muddadii   aan akhriyay buuggan.sidoo kale waa farriin aan gaadhsiinayo intaan akhriyin ama   dhaayaha saarin nimcadan dihin in laga faa’iidaystana ay tahay.

Marka hore hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa qoraha buuggan, Qoraayad Nada Yuusuf Cumar oo waqti, fikir iyo dedaalba u hurtay sida ka muuqata buuggan qiimaha badan.

Buugga Beerta Qoyska, Waa dhigane meel dhexaad ah oo ka kooban 241 bog.Guud ahaan wuxu sharaxaad waafiya ka bixinayaa Guurka, xulashada lammaanaha, haasaawaha, dhisida qoys tiirar adag ku taagan, xalinta khilaafaadka qoyska IKK. Waa cashar uu u baahan yahay mid sahan guur ku jira, mid helay wehelkiisii gurina   yagleeli raba iyo mid intaaba ka soo gudbay haddana wax tabaya ama ku dhex asqoobay badweyntaas.

Sidaan hore u soo carrabaabay wuxu u qaybsan yahay afar cutub.Waa tiraab somaliyeed farshaxan heer sare ah ku qoran. Sidoo kale diinta islaamkana ku salaysan.Cutubka koowaad waxay si faahfaahsan ugu sharaxaysaa guurka iyo u jeedooyinkiisa. noocyada guurka ee ay ka mid yihiin Xuddun- xidh, Isa-siin, Doonis, La tagid iyo kuwo kale oo fara badan. Guurka La tagga ayaa ah kan miyiga ugu caansan . waa mid si gaara ii soo jiitay maaddaama aan in badan shaahid u soo ahaa. Dumarka guurkoodu kaa xaaraanta yahay iyo kuwa aad geydo ayaa cutubka aad ka helaysaa.

Cutubka labbaad cinwaankiisu waa Dhisida Qoyska. Dhalinyaro badan oo damac guur hayo haddana ka maaggan ayaa jirta. Guurku waa masalo aqoon iyo aragti dheer u baahan, xulashada lammaanahuna maaha arin sahlan waatii ahayd “Isu gaadhay gabadhaad tidhaa meel uunbaa go’ane” sidaa si la mid ah ma jiro wiil dhammeys ahi.Haddii aad sii daalacato qaybtan waxaad ka helaysaa dhammaan astaamaha lagu doorto marwo gaarriya ama geesi hanad ah.Eedaabta haasaawaha iyo waxyaabaha buriya, haasaawaha ugu habboon ee liibaana, shuruudihiisa iyo qodobo kale oo xasaasi ah ayaad kala kulmaysaa cutubkan.

Cutubka Saddexaad waa Tiirarka Qoyska : Marka laga soo gudbo waqtigii haasaawaha, la heshiiyo, meherkana la isugu xidho lamaanaha is doortay, howsha u taala waa adkaynta iyo xiddid u bixinta   guriga cusub. Si ay u gaadhaan yoolkooda. Diinta , Hoggaaminta , Dhaqaalaha iyo Jacaylka oo ah tiirarka qoyska iyo Xuquuqda Lammaanaha ayaa Nadi cutubkan si cilmiyaysan ugu sharaxaysaa. Ugu dambayn Qayta afraad iyo khillaafaadka qoyska qofkii akhristaa saan filayo is qabsan maayaan jeexiisa kale(lammaanihiisa).

Qayb walba waxaa la socda dalliilo Aayado iyo Axadiis isugu jira.sido kale sheekooyin, gabayo iyo murti aan tiro lahayn ayaa buugga ku jirta.                                                                                                                         Si aad u baadidoontid   xaqiiqooyin ku saabsan badweyntan, xogo wax ku-ool ahna aad uga hesho waxa kaa xiga akhriska buuga Beerta Qoyska.                                                                                                   Waa buug hodan ku ah, kuna duugan tahay aqoon lagama   maarmaan u ah nolosha   aadanaha. Haddii la lagu dhaqmana wax badan ka hagaajin kara nolosha lammaane wax tabaya iyo bulshadaba. Waa manhaj dhammaystiran waa Beerta (Bustaanka) Qoyska.Waxaa leeyahay qoraayad Nada Yusuf Cumar Ilaahay ha kaa abaal mariyo.

Xogta Buugga.

Cinwaanka: BEERTA QOYSKA.

Qoraaga: Nada Yuusuf Cumar.

Tirade bog:241.

Sannadka :2014.

Soo saarid:Sagaljet.

W/Q:   Maxamed Cabdi Cali Hayaan

E mail: hayaanb502@hotmail.com

 

 

Exit mobile version