WAJAALE NEWS

Cayaartii Siyaasadeed Ee Guurtidu Garsooaraha Ka Ahayd Waxay Ku Dhamaatay Barbardhac.

taageerayaasha cirro kuma taageerin kooxda sharciyada iyo ansha ciyaareed ee waxay la gashay qaab kal oo aan ciyaaruhu lahayn

ASC

Dhacdo kastaa waxay aadmiga qalbiyadiisa ku reebtaa xusuus, loolankii siyaasadeed ee laysku tijabinayay awooda iyo kartida golaha , waxay na bartay habdhaqanka dadka reer somliland ee soo jireenka ah.

Haddii aan qaab cayaar ahaan aan u soo gudbiyo , garoonka golaha wakiilada somaliland waxa ka bilaabanatay cayaar kulul bishan febraayo horaanteedii 2014, waaxan isku haleelay kooxda kulmiye iyo kooxda wadani, kabtanka kulmiye wuxuu ahaa mr baashe, kabtanka wadanina wuxu ahaa mr cirro.

Qaybtii hore ee cayaarta waxa gool dhaliyay kooxda cirro ka dib markii ay dibedda dhigeen kabtankii kooxda kulmiye iyo saxiibkii. dib isu habayn ka dib qaybtii dambe ee cayaarta waxay koovda kulmiye soo qaaday weerar culus oo gilgilay quluubta kooxda cirro iyo taageerayaashiisa kana qaylisiiyay.

taageerayaasha

cirro kuma taageerin kooxda sharciyada iyo ansha ciyaareed ee waxay la gashay qaab kal oo aan ciyaaruhu lahayn, waxay ku qaylinayeen — cirro waa reer , cirro waa reer .

Erayaadas waxa ka keenay weerarkii cuslaa ee kooxda kulmiye ay ku qaaday kooxda wadani. kooxda cirro waa laga ciyaar iyo anshax fiicnaa , kooxda kulmiye si fudud ayay u soo ceshataya goolkii lagu lahaa, weliba iyagoo dhalin rabay kii labaad ayay garsoorihii cayaartu x. cabdi waraabe cayartii joojiyay.

Cayaartan siyaasadeed waxay ahayd mid xamaasadda taageerayashu aad u sarraysay , siiba kuwa kooxda cirro iyagoo is leh waa laydinka badinayaa maadaama laga qalab wanaagsanaa.

sidaa daraadeed waa gar in kooxda cirro bar-bardhacas guul u arkaan oo ay isugu hambalyeeyan maadama ay is lahayeen kabtanka kooxda wadani mr cirro garoonkaa laga saarayaa

alla  mahad leh

mubarak muse

sweden

Exit mobile version