WAJAALE NEWS

Siyaasada iyo Bulshada (Politics and Society).

Hadii siyaasigu la hayn aragti siyaasadeed iyo aqoon ,iyo karti daacadnimo ku dheehan tahay

Hadii aad in badan raadraacdo ama akhrisid qoraalada culuunta siyaasada ee qorayaal badani qoreen ama aqoonyahanadii hore ee philosophy gu qoreenba

Laga soo bilaabo Plato,Aristotlel, ilaa kuwan manta ka hadala ama fasira cilmiga siyaasadu waxay kawada siman yihiin in siyaasada looga maarmi karan xalka dhibaatooyinka bulshada lagu horumarinayo, ama dib loogu celinkaro.Waa lagu kala duwan yahay falsafad ahaan qaababka ama sharaxa guud ee siyaasada iyo bulshada, aqoon walba waxay salka ku  haysaa fikerka mangalka (reasonable idea) taas oo tageerayaashoodu iyo mufireenteedu ugu qiildayaan sax ahaan shaheeda.Fikirkastoo siyaasadeed ama bulsho wuxuu difaacaa qadiyad uu u arko in ay danani ugu jirto qayb bulshada ka mid ah.Siyaasada iyo bulshaduna sideedba ma kala maarmaan mar naba.Waayo fikirka siyaasadeed waxaa loo adeegsada

si loogu horumariyo bulshada qaybaheeda kala duwan sida :dhaqaalaha,Caafimaadka,waxbarashada,dhaqanka iyo diinta,garsoorka iyo cadaalada,IWM.

Hadii siyaasigu la hayn aragti siyaasadeed iyo aqoon ,iyo karti daacadnimo ku dheehan tahay hogaamintiisa siyaasadeed ma horumarineyso bulshada ee waxa keynaysaa burbur iyo dib u dhac bulsho iyo siyaasadeed, Waxaa jira qaarka mid ah dadka ka faalooda siyaasda oo qaba in siyaasintu 75% ay yihiin kuwa beenaalayaal ah oo aan fulin balamada ay bulshada u qaadaan xiliga doorashooyinka, siyaasiyintaasi waxay noqon karaan xubno utartamaya xubin baarlamaan, madaxweyne, Rayiisal wasaare iwm.Sidaa awgeed waxay ku taliyaan in dadku had iyo jeer codkooda siyaan kuwa lagu bartey runta iyo daacadnimada, kartida ,aqoonta ,kuwaasi waa kuwa hal abuurka wacan leh(those with good creative).

Dalalka isku tilmaama dumaqradiyada iney mayalka u hayaan, dadkoodu waa kuwo ka faaiideystey taariikhda sooyaalkeeda, waayo mudo badan ayey ku soo jireen dhibaatooyinka kali talisnimada, boqortooyo iyo talis aan dhacayn ,waxaaney ogaadeen in ay dhibta kaga bixi karaan waxyaabahaa ay ku hashiiyeen ee ay ku magacaabeen dastuurka iney ku dabaaqaan halaha siyaasada iyo bulshada,si nina aanu is xigsiin dawladnimada oo siyaasada loo wada sinaado codka dadkana lagu kala baxo. In toodadabadani waxay qabaan in kuriga ugu sareeya dalka qofna aanu u tartamin mudo laba xili ah waa hadii uu guuleysto marka hore inuu isku soo sharix karo mar labaad oo kaliya. Waxaa arkaysaa in dalalka qaarkood mudo dheer uu kalitaliye ka soo hor muuqdey umadiisa, oo uu isku haysto in uu kaligii wadanka lee yahay oo dadkan uu xukumayaa yihiin kuwo uu isagu iska lee yahay oo habeenba wixii uu ku riyaado aroortii ku xukumo.

Dumuqraadiyada jirta caalamka markaan shaqsiyan dersey oo aan baadhitaan u galay ee aan ka eegay dhinacyo badan ,buugag iyo philasafado arimaa darsey aan qoraaladooda akhriyey  waxaa ogaadey:

In sinaanta ,horumarka,Cadaalada bulsho Aas askeedu yahay ku daqanka iyo raacida waanada iyo digniinta dastuurka caalamka ee ALLEH(SWT)  waa QURAANKA IYO AXAADIISTA saxeexa ah ee rasuulka(SCW) ka sugnaatey  .Fahanka guud ee dumuqraadiyada hadii aaddooneyso bal raad raac Kitaabka ALLEH(SWT). Siyaasada bulsho lagu dhaqi karaana waa isaga hadii la rabo bulsho siman oo nadiif ah.Waa marka la helo hogaamiye caadil ah oo aqoon sare u leh diinta ALLEH(SWT).

 WAAD MAHAD SANTIIN DHAMAANTIIN

Qoraalkii: M J Farah

Political Analyst

Exit mobile version