WAJAALE NEWS

Xulka Kubada Cagta Suuriya Oo Soo Nooleeyay Rajadeedii Koobka Aduunka

Xulka kubadda cagta Suuriya ayaa boos ka cidhiidhsaday kooxaha la isku celinayo si uu midkood ugu soo booxo Koobka Adduunka ee sannadka 2018ka.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen dalka Iiraan, ciyaartaasna waxay ka dhacday magaalada Tehran.

 

Xulkii martida ahaa ayaa goolka si layaab leh la hor maray ka dib markii uu gool dhaliyay Haj Mohamad, taas oo ahayd goolkii koobaad ee laga dhaliyo goolhayaha Iiraan Carlos Queiroz, toban ciyaarood oo ka tirsanaa is reebreebka Koobka Adduunka

Sardar Azmoun ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta goolka barbaraha u dhaliyay, ka dibna gool kale ayuu sii raaciyay.

Intaas wixii ka dambeeyay Suuriya waxay u muuqatay in ay u dhamaatay, laakiin Omar Al Somah ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Suuriya, iyadoo lagu guda jiro daqiiqadihii u dambaysay ee ciyaaraha.

Barbarihii gool la’aaanta aahaa ee ay galeen South Korea iyo Uzbekistan ayaa u saamaxday in ay kaalinta labaad ka galan kooxihii ay ku wada jireen hormada xarafka A.

Taas waxay ka dhigan tahay in Suuriya ay ciyaar la yeelan doonto Australia bisha Oktoobar.

Exit mobile version