Xeerka Nidaamka Ururada Siyaasadda Iyo Xisbiyada Qaranku Waxa Uu Dhigayaa.
1;Qof kasta oo ka tirsan shaqaalaha dawladda, ciidamada, garsoorka, ama ka shaqeeya Haayadaha aan dawliga ahayn ee (NGO)yadu ma furan karo urur siyasadeed, oo xubin kama noqon karo, oo xitaa taageere uma noqon karo oo mana dhalliili karo urur siyaasadeed.
Miyaanay meelahaasi ahaynba meelaha ay ka shaqeeyaan dhalinyaradu?.
2;Qofka raba in uu furto urur siyaasadeed waa in uu dawladda u shubaa cashuur dhan 150 milyan SL/Sh oo u dhiganta $17,500.
Marka xaddiga intaa le’eg shardi looga dhigay diwaan gelinta ururada, taas waliba aan celis lahayn haddii ururkaasi ku hadho tartaranka, qofka dhalinyarada ah ee han siyaasadeed leh ma awoodaa bixinta lacagta intaa leeg?.
Cidda shardiga caynkaas ahi siyaasadda u xayndaabayaa soo ma aha oday soo shaqaysanayay illaa siddeetankii.
Dhinaca kale nin kasta reerkiisa ayaa dhaqaalaha ka kaaba, dhalinyaraduna maba aha kuwo qabiiladdooda ku xidhan, halka ay odayaashu yihiin kuwo ay u sahlantay in ay cuqaashooda, salaandiintooda iyo tujaartooda oo ay isku lod yihiin ka diyaarsan kara lacag ay ku tartamaan.
3;Hoggaamiyayaasha Urur/Xisbi siyaasadeed waa in aanay da’doodu ka yaraan 30 Jir.
Waxa aynu ognahay in ay buuxaan dhalinyaro Da’daas ka yar oo wax bartay, oo cillado badan oo siyaasiyiinteena haysta ka nadiif ah, oo aan kusoo barbaarin nidaamkii kali taliska ahaa oo ardaydiisii illaa maanta cimrigiisa dheereeyeen, oo daacad ah, oo tamar badan ay ku jirto, oo u dhashay awood hoggaamineed.
balse qodobkani miyaanu reebayn?
Ururada ha la furo iyo yaan la furin.
Ururo cusub ha lasoo saaro iyo kuwan imika jiraa ha joogaan.
Intaasi soo maaha doodda kali ah ee la inna dhex dhigay?
Laakiin dooddaas marka dhinacyadeeda oo dhan la isku daro maxaa faa’iido ku jirta?.
Maxaa faa’iido ku jirta urur lagu baddalo urur kale, oday lagu baddalo oday kale iyo reer lagu baddalo reer kale, mar haddii shuruuduhuba yihiin kuwo dhacan ka saaray in dhalinyaradii wax doorin lahaydba damac ka galo Siyaasadda dalka?.
Ka warran haddii waxa laga doodayaa ahaan lahaa in xeerka ugu yaraan lagu daro in uu tartami karo doorashada musharax madax bannaan?.
Miyaanay ahaateen qodob fursad u siinaya dhalinyaro hibo hoggaamineed leh in ay tartamaan iyaga oo aan tacab ka gelin xisbi dhaqaale u baahan, iyaga oo aanay xannibin odayaasha beeshiisa ee xisbiyada u ah xakabka iyo dhigta ee aanu qofba ka garanayn?.
Miyaanay soo baxeen dhallinyaro aan iibsan bulshada, beeshiisuna aanay sacabada ku sidin ee kasbada bulshada dhammaanteed?
Haddii taasi dhici lahayd miyaanay suurto gal ahaateen in saddexda xisbi iyo musharixiintooda oo soo taagan uu ka badiyo musharax dhalinyaro ah oo madaxbannaan, oo lacag aan ku olalayn, oo aan laaluush bixin, oo aan beelo gaara ku tiirsanayn, oo wada dhaama kuwa xisbiyada ka sharaxan.
Miyaanay soo baxeen dhalinyaro kasbada boqolaal kun oo dalka meelkasta ka jooga oo u boggay waxa ay ka arkeen iyo waxa ay ka maqleen oo codkooda siiya iyagoo musharaxiintii kale ee xisbiyadu soo taaganyihiin?
Miyaynaan soo saari karin hoggaamiyayaal dhab ah, haddii aynu fahanno caqabadaha sharci oo marka hore aynu jidka bannayno?
QALINKII; SUXUFI SIDIIQ BIRMAD.