WAJAALE NEWS

“Shacbigani Uu ka Koray Siyaasi Ay Danihiisa U huraan Dhiigooda. Belo Dhex taal Dadka Iyo Reeruhu Ma Jirto”Cali Guray,

“Anigu Waxan Leeyahay Dhibaatada Ceel-afwayn Ma Wayna Xalkeeduna Ma Adka”Cali guray oo ka Hadlay Xaalada Gobolka Sanaag

WAADAAN KA ADKIYE WAX KALAA JIRA

Somaliland way soo mareen xiliyo ad adag oo colaad iyo dagaalo sokeeye ay ka jireen iyada oo weliba taag daran dalkuna uu burbursan yahay. Hadii wixii shalay dhacay aynu cashar ka baranay anigu baqe ima hayo waxan jirana buun buunin iyo xaalad abuur baan u arkaa. Shacbigani wuu ka koray siyaasi ay danihiisa u huraan dhiigooda. Belo dhex taal dadka iyo reeruhu ma jirto ayaan leeyahay ciddii iyadu fidmo kale wadaana way iska soo bixi wax ay ka faa,iidi doontaana ma jirto eh buunbuuninta iyo xaalad abuurka uun ha la joojiyo cid wax ku faaiidaysaa belaayo dhacda ma jirto oo hore ayaynu u soo aragnaye. Danaysiyo gaar ah oo iska hor imanaya way jiri karaan laakiin colaad dadka Somaliland dhix taalaa waan ogahay oo ma jirto. Ciddii doonaysaa mucaarid way noqon kartaa oo xaq bay u leedahay laakiin cidda ay caaridaysaa waa inay noqoto xukuumadda oo dadka ka dhexaysa iyo ciddii xil ka haysa hadii ay doonayso waxana fiican in xisbinimo wax lagu caarido. Cidda iyadu reer ama reero mucaarid ku ahi hadii ay jirto waa ambad waayo reer xil haya oo loo doortay ma jiro reeruhuna way yaqaanaan oo iyaga ayaa cid kasta ka yaqaana xalka hadii dhibaato dhexdooda ahi jirto laakiin marka khilaafku siyaasadaysan yahay xalkii dhaqanku xal ma noqon karo. Xukuumadda waa ku waajib oo waa ka masuul inay xaaladda nabadgelyada gacanta ku qabato laakiin nabadda iyo nabadgelyadu mararka qaarkood waa laba wax oo kala duwan nabadduna waxay ka go’daa ciddii is colaystay oo markaa ay dhexdooda ka jirto, xaaladda Somaliland iyo gobolka Sanaagna maaha taasi ee waa colaad gacan-ku-rimis ah oo la Buunbuuninayo oo xaalad abuur ah dhinac kasta ha noqdo eh cidda xumaanata wadda ma qarsoonaan doonto kur waayeelna waa wada indhiyo kaamil wada nool. Dhidar xabaal qodayna wuxu uga dhacaa waa qudhun uun.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh cidda doonaysa in nabadgelyada uu shacbiga Somaliland ilaashanayo ay kibir iyo ciyaayir ku burburiso laga yeeli maayo hadii ay isku daydana dhibta ay geysato qiime qaali ah ayay ku tegi iyada ayaana bixin doonta. Siyaasiga hanka leh waxan odhan lahaa waxaad lulanayso iska lululo oo laftana jebi xaraganada haka tegin.

Ugu dambaystii anigu waxan leeyahay dhibaatada Ceelafwayn ma wayna xalkeeduna ma adka. Markaa saw xaalkeenu maaha waadaan ka adkiye wax kalaa jira?

Exit mobile version