GABILEY(W,N) C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) waa Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Sidoo kale waa u qaabilsanaha Golaha xukuumada Somaliland ee hogaanka u haya Hay,adaha gargaarka deg-dega ah iyo kuwa horumarinta ee qarankan ka hawl-gala, Hadaba anigoo tixraacaya sumadaha dastuuriyanka ah ama kuwa Golaha Cabinetka Somaliland ee u igmay inuu mudane: Saylici noqdo Gudoomiyaha Gudida Gurmadka duufaanta dhacdey. Duufaantan sagal ama masiibadani waxay ku habsatey dhamaan xeebaha waqooyiga iyo galbeedka Somaliland, ee Gobalada Gabiley, Awdal Iyo Salel, waa kuwa ugu ba,an dhinaca waxyeelada ay duufaantu gaysatey haday tahay xoolo mood iyo noolba iyo waliba nafo bani-aadam oo xaqii haleelay.
Gurmashada saameynta duufaantu waxay aad u wax-yeelaysay Gobalka Gabiley deegaanadiisa waqooyi kuwaasoo kumanaan ka mid ahi ay ku barakeen ooy ku waayeen xoolohoodii ay ku noolaayeen iyo hoyadii ay galeen hadaan yara dul maro si waadix ah deegaanadaa waxa ka mid ahaa.
1: Buqdhada
2: Gari-go,anka
3: Boocda
4: Gobka Daarimo
5:Caada.
6: DHabiga
7: Hadhley
8: Isha-gudban.
9: Xamarta- Hogeed.
10:Bus.
Deegaamadani oo ah kuwa aad u balaadhan umad fara-badana ay ku dhaqan tahay ayaa waxa la darsay masiibadani duufaantu ay keentay, Yagoo qaarkood ay noo sheegeen iney dirqi ku baxeen naf ahaan waa kuwan ku waayey xoolahoodii kuna soo b iirey liiska barakacayaasha ama caydha waayo maantaba ma haystaan hoy ay ku kalsoon yihiin ama xeraad la hubo waxaaney raaceen duufaanta.
Deegaamadan waqooyiga Gobalka Gabiley ee yagu ku hoobtay aafadaa dabiiciga ah wali laguma darin liiska qaranka ama muu soo hadal qaadin Madaxweyne-ku-xigeenka Qaranku ee isagu ahaa Gudoomiyaha gudida gar-gaarka , Waxaaney xuseen deegaamada Salel Iyo Awdal hoos yimaada kuwaasoo aad kor loogu qaadey qaylo-dhaan balaadhana loo sameeyey, Waliba la soo gaadhsiiyey gurmadka madaxiisii halka kuwa waqooyiga Gabiley aan la soo jaleecin cidina aaney is weydiin ta kale kuwani reer gabiley miyaaney aheyn muwaadiniin reer Somalilandna oo dalkooda xuquuq ku leh?, Hadaan eegno baaqii ugu danbeeyey ee Gudida Gurmadka oo Madaxweyne-ku-xigeenku direy maanta kumuu darin tirada deegaamada duufaantani ku habsatey kaliyaata waxa uu xusey Salel Iyo Awdal , Halkaana waxa nooga cad in Madaxweyne-ku-xigeenku aanu malaha isagu masuul ka aheyn Deegaamada Gobalka Gabiley.
Shucuurta iyo Dareenka dadka duufaantu halakaysay ee Deegaamada Gabiley waqooyigoodu waxay u arkaan Madaxweyne-ku-xigeenka Qaranka mid aan yaga xisaabta ku darsan oo ka saarey umadaasi liiskii umada reer Somaliland waayo hadii kale waa loo soo gurman lahaa, Qaarkood aan la xidhiidhey waxay ii sheegeen in hadii uu xataa Madaxweyne-ku-xigeenku soo hadal qaadi lahaa ay u noqon lahayd yaga Xumad Jabin ama DHiig Joojin dhibtii doontaa ha jirtee balse Qarankayaga waan ka agoomawney taasina waxa la weydiin Madaxweyne-ku-xigeenka Qaranka Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Oo isaga aaney aqoon-daro ka heyn deegaamadan ay ood-wadaagta yihiin isagoo si fiican u kala garanaya dadka iyo deegaankaba hadana mooyaan sababta uu u xusi waayey, Midna lagama aqbalayo masuulkani Qaranka xilka weyn u haya liidasho dhinaca ogaanshaha ah waxana xaqiiqo aan haynaa sida uu Salel, Awdal Iyo waliba Saaxil uu u ogyahay in Gabiley uu yadna ogyahay. Waa hadal qof aan la xidhiidhey oo deegamadaasi ah.
Maraga ogaalka ama war-bixinta dhinaca xukuumada waxa mediayaha ka sheegay Badhasaabka Gobalka Gabiley , Kaasoo xusey iney war-bixino iyo waraaqo u direen xukuumada jamhuuriyada Somaliland oo arintani uu u qaabilsan yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Qaranka, Hadaba masuulkani hada waxa looga fadhiyaa inuu kala cadeeyo in isagu ka boodsiiyey deegaamadani gurmadka iyo soo hadal qaadkaba Iyo inay tahay awood ka sareysa isaga oo lagu cadaadiyey soo maritaanka ama soo hadal qaadka deegaamadani, Hadiise aaney jirin intaa midkood waa inuu daw bixiyaa shacabkiisaa dulman ee uu sida iska caadiga ah indhaha uga qarsadey yadoo masuuliyad guud iyo gaar ahiba ay ka saaran tahay isaga Saylici ahaan, Isku ku soo wada xooriyoo waxa looga fadhiyaa odeygu inuu umadiisa wax fahansiiyo.
Mid kalena waa daw Soomaalida tidhaahda (Nin durmaan qaatey ilaaq dalbey), Isagoo Madaxweyne-ku-xigeenkii qaranka ah hadii uu Gudoon ka noqday Gudida Gurmadka ee aafadaa duufaanta miyaaney habooneyn in wixii xukuumada iyo wixii hay,adaha hoos taga isaga inuu dalkoo dhan si garbo siman ah ugu qaybiyo, Arinta gar-naqsigayguna ma aha af-lagaado ee waa la xidhiidha daw bixin gaf cad oo umad laga galey, Anigoo sadarkaygii hore sii wata hadii saad gurmad laguu dhiibo wadanku ma gurigiina uun baa?????? Waxaan ku soo af-meerayaa sharaxaadka dhibaatadaa iyo indho ka qarsigeeda, Saylici hanoo cadeeyo inuu yahay Madaxweyne-ku-xigeenkii Qaranka Somaliland ama Madaxweyne-ku-xigeenka Salal Iyo Awdal?????????????, Nin la sugayaw adna yaad sugi , Jawaabtaadu waa mid sooyaalka gali doonta hadaad ka aamustana wixii la sheegayey ayay wax ka jiraan.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax(Jeesto)
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland