Muqdisho (W,N):- Hawenay ka tirsan shaqaalaha hay’adda WHO ee Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta gelinkii danbe lagu dilay magaalada Muqdisho.
Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maryan Cabdullaahi, waxaana la sheegay inay dhinaca zaadka u qaabilsanayd adeegyada tallaalka dabaysha ee gobollada Koonfureed.
Gabdhan ayaa la sheegay in fadhigeeda dhinaca shaqada uu ahaa magaalada Baydhaba, balse ay xilliga la dilayey ku sugnayd magaalada Muqdisho.
Goob-joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan haweeneydan ku dileen Boosteejada laga raaco Gaadiidka Baydhabo ee Suuqa Bakaaraha, kadibna waxaa halkaasi ka baxsaday raggii dilka geystay.
Meydka Marxuumada ayaa markii dambe waxaa meesha ka qaaday laamaha amniga, waxaana la geeyay xarunta dambi baadhista ee CID, halkaas oo sawirro laga qaaday, si baadhis loogu sameeyo.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka haweeneydan la sheegay in ay ka tirsaneyd hay’adda caafimaadka aduunka.