WAJAALE NEWS

“18ka May Waa 18ka May Lama Bedelin, Lamana Bedeli Karo. Laakiin, Halka Muranku Ka Jiro Waxan U Arkaa…!”CALI GURAY.

HARGAYSA(W,N) Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) Oo kamida siyaasiyiinta xisbi xakimka kulmiye  ayaa ka hadlay  Artidiisa ku aadan Waxka badalka lagu sameeyay Xuska maalinta Qaranimada Somaliland iyo halka muranku ka taagan yahay ee u baahan in fasiraad lagu sameeyay .

Cali Guray Ayaa  qoraal uu arintani kaga hadlayo waxa Uu Baahiyay Barta uu ku leeyahay Xidhiidhka Bulshada ee facebookga Wuxuna u dhignaa Sidan;

“18ka May waa 18ka May lama bedelin lamana bedeli karo. Laakiin marka aan eego halka muranku ka jiro waxan u arkaa marka hore labada eray ee “ Dabaaldeg” iyo “Xus” in la fasiro. Marka aynu xus leenahay waa mubaasibad ay tahay inay ku beegnaato maalinta 18ka May waxana ugu muhiimsan khudbadda Madaxwaynaha ee xuska maalinta 18ka may sanadguurada hadba ka soo wareegta. Khudbadda Madaxwaynaha ee xuska 18 May waa in ay tahay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo shalay maanta iyo beriba uu kaga hadlayo. Waxa jira dabaaldag sida keliya eynu u naqaanaa ay tahay sidii la yeeli jiray 21ka Oktoobar cahdigii Siyaad Barre oo aan haba yaraato eh wax laga bedelay aanay jirin inta badanna waxa lagu yaqaanay qaabkaa waddamada Hantiwadaaga ahaa, kharash badanna kaga bixi jiray oo ciidamadu gaardiyaan hubkii marayo dad iyo ururo bulsho oo la soo abaabulay maraan Madaxwaynuhu goob joog yahay oo salaanta qaato oo aan sanado gaar ah ahayne sanad kastaba ah joogto u ah bay ahayd. Anigu waxan qabaa in taa wax laga bedelo oo si inagu aynu leenahay oo danteena iyo duruufaheena ah u dhigno. Xataa hadii la marayo tirada dadka iyo qalabka maraya kol wax laga bedelo ama fagaarayaal dadku isugu soo baxo oo cayiman la sameeyo qaab laga fakaray iyo barbaamij qorshaysanina jiro loo dhigo. Haa sanado gaar ah oo duruufo gaar ahi jiraan oo cududdaada in aad muujisaa ay qasab tahay oo duruufo qasbayaa ay jiraanna ma diidani inay jiri karaan sida ay maantaba mudan tahay.

Hadda ma filayo in go’aanka Guddida Qabanqaabadu yahay 18ka wax barnaamij ah oo jirayaa ma jiro ee xuskii 18ka may oo dhan waxa la qabanayaa 15ka May sababtuna waa bisha Ramadaan ee barakaysan awgeed. Hadii ay sidaa tahay sanadka dambe 18ka May waxa geli doontaa hadii Alleh yidhaa badhtamaha soonka eh halkay u rari doonaan may 1da May? Markaa ma filayo inay sababta guddidu ay tahay mid ku filan in dabaaldegii xuska ee subaxda 18 May loo raro 15ka hadii aanay jirin sababo kale oo ay tixgeliyeen. Tan kale 18 May waxa loo baahan yahay in loo yeelo qiime ka badan maalin loo dabaaldego oo qarankan dhan dhismihiisa ayay u taagan tahaye waa in midnimadiisa iyo horumarkiisa dadaal intan ka sii badan la geliyaa.

Aniga dabaaldeg aan ka qaybgalo kii iigu horeeyay ayaa iigu dambeeyay kaasina waan ku qasbanaa oo wuxu ahaa markii aan ku jiray Dugsiga Tabobarka Xalane 1974kii. Mid ka horeeyay iyo mid ka dambeeyay xataa daawasho umaan tegin.

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Exit mobile version