WAJAALE NEWS

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Dibadbaxayaasha Ugu Baaqay Inay Dulqaad Muujiyaan

Addis Ababa (W,N):- Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqday meelaha ugu daran ee ay ka socdeen dibadbaxyada dowladda lagaga soo horjeedo, isagoo ballan qaaday in isbeddel uu iman doono haddii ay dadku dulqaad muujiyaan.

Isagoo la hadlayay kumannaan qof oo isugu yimid garoon ku yaalla magaalada Ambo, ayuu 42-jirkan sheegay in dalku “uu hayo dhabbaha isbeddelka iyo jaceylka”.

Booliiska ayaa isku dayay in dadkii goobta ku sugnaa ay xakameeyaan.

Raysal wasaaraha cusub, oo ah sarkaal hore oo ciidan, ayaa ka soo jeeda qowmiyadda dalkaasi ugu ballaadhan ee Oromo, waxaana magacaabiddiisa loo arkaa inay dejin doonto dibadbaxayaasha.

Dibadbaxyo lagu dalbanayo in isbeddel lagu sameeyo siyaasadda iyo dhaqaalaha dalkaasi Itoobiya ayaa socday ku dhowaad saddex sano, kumannaan qof ayaana loo xidhxidhay.

Exit mobile version