Addis Ababa (W,N):- Ra’iisal wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay si fool ka fool ah ula fadhiistay dadka ka tirsan mucaaradka.
Dr Abiy ayaa casho sharaf uu u sameeyay mucaaradka waxa ay ka wada hadleen sidii loo badbaadin lahaa dalkaas, islamarkaasna loo heli lahaa xal waara.
Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in uu diyaar u yahay in uu dhagaysto aragtiyada wax lagu dhisayo ee mucaaradka.
Waa markii ugu horeysay oo mucaaradka iyo dowladda ay si toos ah isu hor fadhiistaan, kana wada hadlaan xalka rasmiga ah ee Itoobiya.
Ra’iisal wasaare Abiy ayaa tan iyo intii la doortay socdaalo kala duwan ku maraya qeybo kala duwan oo dalka ah si uu xal ugu helo mudaaharaadyada iyo rabshadaha dalkaas ka dhacay intii muddo ah.