Qiimo Dhaca Lacagta Shilinka S/land Waxuu Marag Cad U Yahay Heerka Maamul Xumada iyo Musuq maasuqa Ka Jira Xukuumadda Somaliland!
Hargaysa (W,N) Maamul xumada iyo Musuq maasuqu waa Cuduro mataano ah oo dhib wayn ku haya,habsami u socodka Hanaanka dawladnimo.Dalka kasta oo cudurada mataanaha ahi Xakamaha goostaan, waxay Bulshada ku nooli daris u noqdaan.Maamul xumo, Cadaaladda iyo Sinaanta oo meesha ka Baxa , Qiimo dhac ku yimaada Lacagtooda,Sarif Barar,Cidhiidhi Nololeed iyo Dhaqaalaha dalka oo gacanta u gala koox tiro Yar,waxaana ka dhasha Cadaawad iyo isnacayb Bulshada dhexdeeda ka Abuurma,oo suuro gall ka dhigi kara Awood Maroorsi,Colaado,Gaajo iyo Barakac ku soo noqnoqda guud ahaan wadamada soo koraya ee dalka S/land ka mid yahay.
Sidoo kale,Cudurada mataanaha ah ee Maamul xumada iyo Musuq maasuqu waxay sobob u yihiin.Jaho wareer Siyaasadeed,Bara-kac,gaajo,Haraad iyo Daranyada Malayiin qof oo ku nool Qaaradaha Dunida . Waana maraga koowaad ee lagu garto Wadan kasta oo Maamul xumada iyo Musuq maasuqu dabarka goosto,waa mid lagu xusi doono Hanaankiisa Maamul Madaxwayne kasta .
Astaanta koowaad ama Calaamada lagu garto dall kasta oo Cudurada mataanaha ah ee Maamul xumada iyo Musuq maasuqu xakamaha goosto,waxaa ka mid ah:-
1: Cudurada mataanaha ah ee Maamul xumada iyo Musuqmaasuqu.Waxay gabi ahaanba meesha ka saaraan hanaanka Xill gudasho ee dhamaan masuuliyiinta la soo doortay wada shaqayntuna ka dhaxayso.
2:Waxaa hawl gab ka dhigaan hayadaha u qaabilsan isla xisaabtanka iyo la dagaalanka Musuq maasuqa ugu danbayna .
3: Cudurada mataanaha ah ee Maamul xumada iyo Musuq maasuqu waxay Curyaamiyaan dhamaan laamaha dawlada madax ilaa mijo .
4: Cudurada mataanaha ah ee Maamul xumada iyo Musuq maasuqu waxay sobobaan isku dull noolaansho iyo dhaqaalaha dalku oo gacanta u gala koox tiro yar,oo bulshada dhexdeeda ka abuurta isnacayb iyo cadaawad .
5: Cudurada mataanaha ah ee Maamul xumada iyo Musuq maasuqu waxay meesha ka saaraan Cadaalad iyo Sinaan Bulshadu ka filato maamulkooda .
Ugu dambayn,waxaa la gudboon,Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi in uu Xukuumadiisa ka xakameeyo Musuq maasuqa iyo Maamul xumada.Mar labaadna ka xakameeyo saaxiibadii iyo Dhamaan masuuliyiinta ka hoosaysa. Mar sadexaadna ka Xakameeyo maalqabeenada iyo shirkadaha waawayn,haduu Talaabadaa qaado waxaa hubaala in uu soo hoyn doono guulo Taariikhiya oo lagu xusi doono mustaqbalkiisa.
WAJAALENEWS DESK
WAJAALE STAFF
WAJALENEWS@GMAIL.COM