Gabiley(W,N) Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Ayaa Shaqo joojin ki sameeyay haayad wadaniya Oo ka hawlgali jiray gobolka Gabiley.
Haayada oo lagu Magacaabo Gloppi Peace isla markaana ka shaqaysa Arimaha Maamul Wanaaga Taasi Dhawaan xaflad Arimaasi ay kaga Hadlayso ku Qabatay Magaalada Arabsiyo Ee Gobolka gabiley.
Lama Oga Ujeedada Dhabta Ee ka Danbaysa Shaqo ka Joojinta Haayada wadani ah kula kacay Maayarku taasi oo kusoo beegmaysay xili kala guura oo badhaabkii horena xilka laga qaaay halka masuul cusub ee loo magacaabayna uuna xilka lawareegin.
Wararka Aanu ka Helayno Arintan Ay tibaaxeen in Maayarku Ka Xumaaday Hawlo Maamul wanaaga iyo la xisaabta Bulshada Oo ay Qabteen Taasi oo la sheegay In maamulka degmadu Dhibtasaday Hawlaha ay qabanayaan,
Talaabadan Ayaa ah mid sharciga baalmarsan maadama aanu maayarku awood sharci ulahayd in uu haayad shaqada ka joojiyo taasi oo Noqotay mid Hadlahayteeda Bulshada reer gabiley Maalmihii Udanbeeyay Aad Ugu Badnayd ,
Qoraalka Uu Maayarku Haayada shaqada ka joojiyay Ayaa wuxu Xanbaarsan yahay Eedo Uu ujeediyay Haayadan, isagoo ku Eedeeyay in ay bulshada si Aan loogu talo galin ay udhex Gashay,
Halkan ka Akhri Nuxurka Qoraalka Uu Maayarku Soo Saaray;