Maayarka Magaalada Gabiley Oo Sifo Sharci Baalmarsan Shaqo Joojin Ugu Sameeyay Haayada Gloppi Oo ka Hawl Gasha Gobolka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Magaalada Gabiley Oo Sifo Sharci Baalmarsan Shaqo Joojin Ugu Sameeyay Haayada Gloppi Oo ka Hawl Gasha Gobolka,
April 11, 2018 - Written by Editor:

Gabiley(W,N) Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Ayaa Shaqo joojin ki sameeyay haayad wadaniya Oo ka hawlgali jiray gobolka Gabiley.

Haayada oo lagu Magacaabo Gloppi Peace isla markaana ka shaqaysa Arimaha Maamul Wanaaga Taasi Dhawaan xaflad Arimaasi ay kaga Hadlayso ku Qabatay Magaalada Arabsiyo Ee Gobolka gabiley.

shaqo joojinta maayar gabiley

Lama Oga Ujeedada Dhabta Ee ka Danbaysa Shaqo ka Joojinta Haayada wadani ah kula kacay Maayarku taasi oo kusoo beegmaysay xili kala guura oo badhaabkii horena xilka laga qaaay halka masuul cusub ee loo magacaabayna uuna xilka lawareegin.

Wararka Aanu ka Helayno Arintan Ay tibaaxeen  in Maayarku Ka Xumaaday Hawlo Maamul wanaaga iyo la xisaabta Bulshada  Oo ay Qabteen Taasi oo la sheegay In maamulka degmadu Dhibtasaday Hawlaha ay qabanayaan,

Talaabadan  Ayaa ah mid sharciga baalmarsan maadama aanu maayarku awood sharci ulahayd in uu haayad shaqada ka joojiyo taasi oo Noqotay mid Hadlahayteeda Bulshada reer gabiley Maalmihii Udanbeeyay  Aad  Ugu Badnayd ,

Qoraalka Uu Maayarku Haayada shaqada ka joojiyay Ayaa wuxu Xanbaarsan yahay Eedo Uu ujeediyay Haayadan, isagoo ku Eedeeyay in ay bulshada si Aan loogu talo galin ay udhex Gashay,

Halkan ka Akhri Nuxurka Qoraalka Uu Maayarku  Soo Saaray;

QORAALKA M 1

QORAALKA M 2

 

COMMENTS
LINKS