WAJAALE NEWS

DAAWO “Suldaankaagan Xidhayaa Siyaasigaan Xidhayaa, Oo Dastuurka Ayaan Ku Dhaqmayaa, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Ciduu Isku Halaynayo Magaranayo!” Muuse Biixi,

Hargaysa (W,N):- Dib Umilicso Maalmo kala Duwan Iyo Masuuliyad kala fog iyo sidii Aan gabashada lahayn iyo  Weedhihii Muuse biixi Cabdi Ahna Madaxwaynaha Somaliland ee xiligan ku dhaliili jiray Madaxwaynihii Geeriyooday Ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Wakhtigii Uu talada dalka gacanta ku Hayay.

 

Madaxwaynaha Somaliland Ee Hada Muuse Biixi Cabdi Ayaa si Adag Ugu Dhaliilay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo wakhtigaa xidhay Qaar ka mida Madax-dhaqameedka Somaliland Oo Shir Abaabulayay.

 

Hada  Oo Somaliland 28 Jirsatay Dalkana uu Madaxwayne ka Yahay Muuse Biixi isla Markaana  Dhawaan Xidh Xidhay Qaar ka mida Madax-dhaqameedka Somaliland, Halka uu Mid kamida Salaadiinta Somaliland kana Tirsan Golaha guurtida ay Xukuumada uu Madaxwayne Muuse Biixi hogaamiyo ay wado qorshe la doonayo in xilka Xildhibaanimo ee Golaha Guurtida lagaga Tuuro, Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo kamida xubnihii Horseedka ka ahaa  In Madaxwayne Muuse Biixi Kursiga Dalka ugu sareeyo Uu gaadho, halka uu xabsiga u taxaabay boqor Cismaan Buurmadow, Wallow hada damaanad lagu siidaayay  oo isna kamid ahaa Xubnihii dhexda u xidhay Guusha Madaxwayna Xiligan uu ku Hantay Talada Dalka.

 

Talaabada  Uu Madaxwayne Muuse Biixi kula kacay madax-dhaqameedka Iyadoo arinta lagu haysto ogalaanshaheeda ay lahayd Xukuumada Madaxwayne Muuse biixi, Aragtida Muuse Biixi Cabdi Ee wakhtigaa Iyo Talaabadu uu Mawqifka xiligan ku xidh xidhayo madax dhaqameedkan  ayaa dareeno kala duwan ka abuurtay gobolada bari ee Somaliland iyo kuwa galbeed oo wakhtiga xaadirkan  laga dareemo guux siyaasadeed iyo waji cusub oo ay waajihi doonto  Xukuumada ay lahaayeen  Guusha reer Gabiley.

 

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MUUSE BIIXI EE XILIGAA   DHALIILIHII UU  MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL UJEEDIYAY  IYO SU,AALAHA MAANTA HORYAALA MADAXWAYNE BIIXI!!

 

Exit mobile version