WAJAALE NEWS

Urur Goboleedka IGAD Oo Sheegay In Uu Xoojinaayo Taageerada Uu Siiyo Dowladda Soomaaliya.

Cabdiweli-Sheekh-iyo-Afey-Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si dhab u garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliya, si loo helo xasillooni buuxda iyo deganaansho.

Urur goboleedka IGAD ayaa ballan-qaaday inuu xoojinayo taageerada uu uga qeyb-qaadanayo xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay kulan uu maanta la qaatay raysul wasaaraha Soomaaliya, wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa u gudbiyay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed dhambaal tacsi ah oo uu ka siday urur goboleedka IGAD, kaas oo ku aaddan weerarkii ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Afey ayaa caddeeyay in ururka goboleedka IGAD uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyay IGAD taageerada joogtada ah ee ay siiso

dowladda Soomaaliya, wuxuuna xusay inay dowladdiisa ka go’an tahay xasilinta dalka iyo ka hor-tagga kooxaha nabad-diidka ah ee halista ku ah amniga dadweynaha Soomaalida iyo gobolka.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si dhab u garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliya, si loo helo xasillooni buuxda iyo deganaansho.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Aabdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version