|
|||||
WAJAALE NEWS
Urur Goboleedka IGAD Oo Sheegay In Uu Xoojinaayo Taageerada Uu Siiyo Dowladda Soomaaliya.
February 24, 2014 - Written by Wariye:Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si dhab u garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliya, si loo helo xasillooni buuxda iyo deganaansho. Urur goboleedka IGAD ayaa ballan-qaaday inuu xoojinayo taageerada uu uga qeyb-qaadanayo xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya. Isagoo ka hadlayay kulan uu maanta la qaatay raysul wasaaraha Soomaaliya, wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa u gudbiyay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed dhambaal tacsi ah oo uu ka siday urur goboleedka IGAD, kaas oo ku aaddan weerarkii ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Afey ayaa caddeeyay in ururka goboleedka IGAD uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya. Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyay IGAD taageerada joogtada ah ee ay siiso dowladda Soomaaliya, wuxuuna xusay inay dowladdiisa ka go’an tahay xasilinta dalka iyo ka hor-tagga kooxaha nabad-diidka ah ee halista ku ah amniga dadweynaha Soomaalida iyo gobolka. Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si dhab u garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliya, si loo helo xasillooni buuxda iyo deganaansho. Wajaale News Related posts:DAAWO :“Suldaan Maxamed Sadiiq Maaha Suldaan Somaliland Oo Kaliya Ee Waa Suldaan Jabuutiyana Weeyaa... DAAWO ; Muuqaal Cajiib ah fanaanada Caanka ah Ee Sahra Halgan Iyo Axmed Marduuf Oo Wadajir Usoo Q... Madaxweynaha JSL Oo Ka Qayb Galey Aas Qaranka Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuun Xasan Ga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|