Addis Ababa (W,N) – Ray’iisal Wasaaraha Cusub ee Dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta Si rasmi ah loogu dhaariyay Xilka Ray’iisal Wasaarenimo.
Abiy oo khudbad ka horjeediyay xildhibaannada Baarlamaanka Dalka Itoobiya ayaa qiray in “dimuqraadiyadda curdanka ah” ee dalku ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay.
Dr Axmed ayaa sidoo kale raaligaliyay dhammaan dadka xuquuqda aadanaha u dooda, siyaasiyiinta iyo dibadbaxyaasha ay qiimaha sare ugu kacday isbadalkii ay dalbanayeen.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal iyada oo lawada xaajoonayo.
Isaga oo diiradda saaraya midnimada, qanaacada, caddaaladda iyo iscafintana, Ra’iisal wasaare Abiy wuxuu siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qurbajoogta Itoobiyaanka ah ugu baaqay in laga wada shaqeeyo isafgarad qaran.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay in wax laga barto khaladaadkii hore loogalay, lagana shaqeeqo midnimada dalka.
Dr Abiy ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in awood wareejinta maanta ay keenayso fursad taariikhi ah oo baal cusub u furaysa taariikhda siyaasadeed ee Itoobiya.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/yDk-dDZAmBY