WAJAALE NEWS

Soomaaliya Oo Dawlada Imaaraadka U Gudbisay Cabasho Ka Dhan Ah DP World

Hargaysa (W,N):- Dawladda Soomaaliya ayaa u yeedhay Safiirka Dawlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, sida uu BBC-da u sheegay wasiiru- dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr, ayadoo ujeedada u yeedhiddu la xidhiidhay sidii qaab diblomaasiyadda waafaqsan ay Soomaaliya ugu gudbin lahayd mowqifkeeda ku aaddan arrinta shirkadda DP World iyo Dekedda Berbera.

 

12kii March ayey ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu gaashaanka ku dhuftay heshiis dhex maray shirkadaas iyo Somaliland, kaasoo saamiga ugu badan ay ku yeelanayso DP World Dekedda Berbera, hallka Itoobiyana ay helayso 19%.

Xiisaddaas ayaa loo aanaynayaa inay dhalisay qas siyaasadeed oo ka dhex dillaacay laamaha sharci dejinta iyo fulinta ee dawladda federaalka Soomaaaliya, ayadoo dhinaca kalena ay Somaliland ku dhawaaqday inay joojisay wadahadalladii kala dhaxeeyey dawladda Soomaaliya.

Sida uu BBC u sheegay wasiiru-dawlaha, C/qaadir Axmed Kheyr, safiirka Iimaaraadka carabta, Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammaadi, wuxuu xaqiijiyey in xukuumadiisa ay ogsoon tahay in ‘madaxbanaanida iyo dawladnimada Soomaaliya ay tahay muqaddas’.

“Gorgortan ma laha madaxbanaanida iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, qof aan kala gorgortamayno iyo qof aan kala xishoonaynana ma jiro” ayuu yidhi C/qaadir Axmed Kheyr oo intaa ku daray in ay jiraan dadaallo kale oo diblomaasiayadeed, sida cabasho ay u gudbiyeen jaamacadda carabta.

Danjire Al Xammaadi ayaa la filayaa inuu dawladiisa uu gaadhsiiyo cabashada la hor dhigay.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya kama aanu hadlin Ciidanka la sheegay in Iimaaraadka uu qortay iyo saldhigga milateri ee la sheegayo in dalkaas khaliijka ku yaalla uu ka furanayo Berbera.

 

Exit mobile version