WAJAALE NEWS

Shirkadda Baabuurta Ee Uber ayaa sheegtay in ay hakisay Baabuurta Iskood Isku Wadda Oo Ay Ku Hawlanayd Sidii Tiro Badan loo Soo Saarilahaa.

uberHargeisa(WJN):- Shirkadda Baabuurta Ee Uber ayaa sheegtay in ay hakisay Baabuurta Iskood Isku Wadda Oo Ay Ku Hawlanayd Sidii Tiro Badan loo Soo Saarilahaa
tijaabooyinkii gawaadhida iswada ee ay ka samaynaysay dhammaan magaalooyinka Waqooyiga Ameerika ka dib markii uu dhacay shil halis ah.
Haweenay 49 jir ah ayuu gaari ku dhacay oo dhimatay iyada oo goynaysa waddo ku taalla magaalada Tempe ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka.

Inkastoo gawaadhida is wadda ay shilal kala duwan sababeen, haddana waxaa loo arkaa in shilkani uu yahay midkii ugu darnaa.

Dara Khosrowshahi oo madax ka ah shirkadda Uber ayaa sheegay in dhimashadani ay ahayd “war naxdin badan”.

Booliisku waxay sheegeen in shilkani uu dhacay habeennimadii Axaddii, gaariguna uu ahaa mid is wada. Balse waxaa isteerinka fadhiyay ruux si uu ula socdo xaaladda.
Booliisku waxay sheegeen in haweenayda dhimatay ay ka tallaabaysay goob aan loogu talagalin dadka lugaynaya, waxaa loola cararay isbitaal deegaankaas ku yaallay, halkaas ayayna ku nafbaxday

Waaxda badqabka u qaabilsan wadooyinka waawayn ee Maraykanka iyo waaaxda badqabka gaadiidka ee qaran ayaa sheegay in labadooduba ay kooxo u dirayaan magaalada Tempe.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version