WAXA HUBAAL AH IN MURANKA SIYAASADEED EE DHEXDEENNU UU QAYB LIBAAX KA YAHAY GEFKA IYO GARDARROOYINKA KA SOO KORDHAYA SOMALIA, KUWAASOO 27 SANNADOOD KA DIB, KU SOO DHIIRRADAY INAY AMMARRO IYO SHARCIYO SOO SAARAAN LAGU MAAMULAYO AIRPORTYADEENNA, DEKEDEHEENNA IYO GUUD AHAANBA DALKEENNA SOMALILAND. WAA SHARCIYO IYAGU DEKEDOHOODA IYO DHULKOODA AY BIXIYEEN, INTIISA BADANINA AANAY GACANBA UGU JIRIN, AANAY HORE WELIGOOD UGA SOO SAARIN.
SOMALIA, OO XATAA MAGACII AYNU BERI WADA LAHAAN JIRNEY BEDDESHAY EE (Somali Republic), LEHNA BAARLAMAAN IYO XUKUUMAD DAD TIRO YARI LACAG KU KALA IIBSADEEN – GURI DHEXDIISNA LAGU MAGACAABAY, OO WELIBA AAN MAAMULI KARIN 4 KILO METER OO DHULKOODA AH, AYAA IYAGOO WAX KAMA JIRAAN KA DHIGAYA XUKUUMADEENNA, GOLAYAASHEENNII, IYO SHURUUCDEENNII 27KA SANADOOD ISKU XUKUMAYNAY, IYO DOORASHOOYINKEENNII CODKA SHACABKA KU SALAYSNAA – AYAA MARKII U HORRAYSAY ILLAA IYO INTII S/LAND DIB ULA SOO NOQOTAY MADAX-BANNAANIDEEDA KU DHAWAAQAY AMARRO IYO SHARCIYO AY SHEEGANAYAAN IN LAGU MAAMULI DOONO S/LAND.
WAXA YAAB IYO AMANKAAG AH, IN SOMALIA DHIB KASTOO DALKOODA IYO DADKOODA HAYSTABA AY KAGA MASHQUULAAN CADAAWAD, NACAYB IYO FIDNO AY KA GEYSTAAN SOMALILAND – OO IYADU AAN MARNABA GEF IYO GARDARROTOONA AAN U QUUDHIN SOMALIA,
WAXANA IYANA HUBAAL AH, IN NACAYBKAAS OO AWALBA LA ISKA OGAA, LAKIIN HUURSANAA – UU MAANTA SOO IF BAXAY, KA DIB MARKII AY AAD U DHIIRRI-GELISAY MUCARADADDA XADHKA GOYSKA AH EE DAD BADAN OO REER SOMALILAND IHI, SI JOOGTA AH IYO SI DAMIIR LA’AAN AH, ULA TAAGAN YIHIIN WARBAAHINTA CAALAMKA IYO MAREEGAHA BULSHADA IYAGOO WAX KALA TABANAYA. KHILAAFAADKAA HOOSE EE QARANIMADA TAABANAYA, AYAY TAHAY IN SI DEGDEG AH LOO JOOJIYO – OO LAGU SOO AFJARO MUCAARADAD TOOSIN MOOYEE AAN QARAN-LIIDIS XAMBAARSANYN – CADAWGANA FURSAD KU CASUMAYNIN.
XUKUUMADDA SOMALILANDNA WAXANU UGU BAAQAYNNAA IN AAN LA DHAYALSAN TABASHADA DADKEEDA, IYO IN WADA-HADALKA SOMALIA AANU MUDNAYN WAQTI LAGU LUMIYO, MAADAAMA OO DADKA HORMUUDKA KA AH SOMALIYADA MAANTU, AY YIHIIN DAD AAN RUNTA WAAJIHI KARIN, SIYAASADDANA U YAQAANNA BEEN IYO DAFIRAAD – ISLA MARKAANA KHGALADKA IYO SAXU UU ISUGU MID YAHAY. SIDAA DARTEED WADA-HADALADAA MADHALAYSKA AH, WAA IN LA LAALO – ILLAA IYO INTA ISBEDDEL CAQLI GAL AH AMA FIKIR CUSUB LAGA ARKAYO SOMALIA.
SOMALILANDNA WAXA LA GUDBOON, INAY SI CAD OO ISKU-DUUBNI AH – MUCAARAD, MUXAAFID, GOLAYAAL-SHACAB IYO XUKUUMADBA UGU QUUS GOOYAAN GARDARRDA IYO GEFKA SOMALIA EE ISA SOO TARAYA, KUWAASOO MARKALE SOO NOOLEEYEY XUSUUSTA DHACDOOYINKII QADHADHAA EE SIDDEETANAADKII (1980s) KA DHACAY SOMALILAND.
Wa Billahi Tawfiiq
Rasheed Ali Meigag Samater
Hoggaamiyaha Jaaliyadda W. London