WAJAALE NEWS

Abaaharaha Dalka Ka Dhacaya Iyo Lacagta Muse Biixi Ololaha Loogu Raadinayo + Bariga Hargeisa.

Maanta waxaan qalinka u qaatay inaan wax yar ka idhaah xaalada aadka u xun ee ka jirta bariga dalka iyo xukuumada iyo xisbigeeda iswata een damiirka

Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shacbi waynaha reer Somaliland gaarahaan kuwa ku dhaqan dalka gudihisa ee ka war haya xaalada dalku halkay marayso sidoo kale waxaan salaam diiran halkan u marinayaa saxaafada madaxabanaan ee hadh iyo habeen u taagan horumarka dalka iyo taakulaynta dadka jilicsan

Maanta waxaan qalinka u qaatay inaan wax yar ka idhaah xaalada aadka u xun ee ka jirta bariga dalka iyo xukuumada iyo xisbigeeda iswata een damiirka u lahayn Bariga dalka ee dhaqaalihii yaraa ee umada jilicsan lagu taakulan lahaa iyo kolba halka dhibtu ka jirto ee dadka jilicsan laga soo ururiyey iyo islaanta suuqa tamaandhada ku iibisa

Waxaan baryhan danbe ka warqabnaandhamaan reer Somaliland oo dhan ay og yihiin laba arin oo isku cagsi ah

(1)  Ta hore waa xaaladaha abaaraha  ka jira bariga Somaliland ee dad iyo xoolaba saamaysay arintan oo allah uun uu jabin karo bani,aadamna aanu waxba ka qaban Karin caawimo yar mooyee oo allah ugu soo dhiibo

(2)  Iyo ololaha iyo lacagaha lala dhexmarayo migaalada Hargeisa dagmooyin ka mid ah ee Xisbiga Kulmiye ee Muse oo kaliyata ah loogu raadinayo taageerada

Hadaba hadaan ku horeeyo tan abaaraha waa arin rabaaniya allah ayuun ka jabin wax ka qabdan kara isagaana baryeynaa waa arin qofka og eee in uu damiir lihi ka damqayanaya waa wax aan marnaba laysku eegi Karin layskana indho tiri Karin hadaba xukuumadii dalka ka ururisatay dhaqaalihii ee khasnadaha buuxasatay ninkastaa dhankiisa ayuu account u gaara ah uga buuxsaday allah kama cabsanayaan oo dadkaas abaaraysan kama naxayaan in uun uma naxariisanayaan umada ku baabaysa bariga Somaliland umadan oo aan isleeyahay siyaasi calooshii u shaqaysta ah mooyee qof ka damqanaya malaha tusaale abaaro ayaa ka dhacay bari dhawayd dalka gaarahaan Galbeedka Somaliland cida ugu badan ee xoolihii dawlada u xaalufisay waxa ka mid ah ee markasta ka hadlaysay ee wax walba samaysay Islaanta Maaliyada oo yadu xoolihii umadna faraq walba u shubatay hadaba imika oo bariga abaaro ka dhaceen meeday wasiiradi iyo kuwii kale ee ka hadlaayey waxaan leenahay allah ha ka sooo jabiyo umadaas abaaraha

Qodobka labaad waa Ololaha ka jira dalka meelo ka mid ah ee lacagtii umadu wada lahayd Muse Biixi(Muse Shani) ololaha loogu raadinayo arintan oo aakhirkii imika bariga Hargeisa baryahanba lagula dhex wareegayey umadaas lacagtii lagu caawin lahaa waxa ka jira Migaalada ama bariga Hargeisa oo ah meelaha aan Xoolaha dadka dan yarta ah aan lagu cunin damiirka dadkaasina sii nool yahay ee diidan inay uamdaa dan yarta ah xoolahooda cunaan ayaa dhawaamahan xidhmooyin lacag ah oo taageero lagu raadinyo Muse ay kula dhex wareegayaan yadoo la rabo in xaflad waraabo u tag ah lagu qabto hotelada yadoo laleeyahay bariga Hargeisa ayaa raacay ku kulmiye taas oo aan suuro gal ahayn been abuurna ah xafladaas waxaad arki doontaan dhawaan waa dad dhuuni qaatayaala oo midhadh ah laakiin nin damiir leh maha oo ka damqanaya ogna xaalada bariga Somaliland ka jirta iyo damiir xumaanta dadka waxan wadaba waxaan si xoog badan u dhaleecaynaynaa hadaanu nahay dhalin yarada aqoon yahan ka ah ee bariga HARGEISA damiir la,aanta dadka waxaas wada waxaan cadaynaynaa inaan ku jirin waxaas barina ka nahay kana xunahay  sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa dadwaynaha reer Somaliland in wax laga gaysto dadka bariga Somaliland ka haraadan ee abaaruhu saameeyeen

Contact me

Name: Ahmed Kaid Ismail

Email: Ahmedsomaliland2015@gmail.com

Mobile number: 0659777677/4233309

Exit mobile version