“Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim” rabbow kuu magan.
Reer galbeedku waxay dajiyeen hannaan dhaqan dhaqaale oo ay ku sarjareen badhaadhahooda iyo ba’a bulshooyinka kale ee ku nool qaaradaha kale. Taasina waxay go’aamisay in dhulkooda loo arko janno, guud ahaan gaygiga kale na loo arko cadaab. Waxay quluubteena sida weelka wax ugu shubtaan hadh iyo habeen. Cidda ay iyagu cadow u arkaaan ayay u bixiyaan argagixiso, inaguna eray bixintooda ayaan ku waafaqnaa,kuna camal falnaa, xataa su’aal iska ma waydiino in ay wax u jiraan siday wax inuugu sheegayaan . Waxay hanteen oo gacanta ku dhigeen warbaahinta adduunku dhegaysto,daawado ama akhristo. Sidaa’darteed ayay ugu sahlanaatay in ay beenta run u baddalaan runtana been u baddalaan. Da’yarta iyo mustaqbalka ummadda islaamka waxay u luleen balag, heeso iyo ciyaaro, meel kasta oo ay joogaanna waxay ku mashquulsan yihiin siday u kala badiyeen kooxaha kubbadda iyo heesaha ay qaadaan fanaanta reer galbeed.
Waxay noo sheegeen in qofka sharcigooda haysta oo keliya uu yahay “bini’aadmi sharaf leh” oo heli kara wixii xuquuq laga duudsiyo. Aragtida noocan ahi waxay dabka ku gurtay malaayiin Afrikaan ama Eeshiyaan ah. Kuwaas oo iyagoo badhaadhe doon ah, ku hoobtay saxaraha harraadka luugu riiqday iyo biyaha dad-qalloobay. Dad badan ayaa aaminnay oo ka hirqaday suntan ay macaanka ku badiyeen. Anna waxaan qalinka u qaatay inaan qaawiyo ceebo badan oo ay leeyihiin. Haddii rabbi xukmo, Afar iyo toban Xaglood ayaan ka istaagi doonaa qudhanka iyo qiimo la’aantooda.
- Doorka ay reer galbeedku ku leeyihiin Amni xumada adduunka!
Kama gayoonayno haddaan is nidhaa mid mid u dul istaagga, bal aan laba meelood oo kaliya hogo-tusaaleyn u soo qaato siday u burburiyaan Nabadda ee ay uga soo hor jeedaan xasi loonida iyo barwaaqada.
- waa dal weynihii Ciraal. Ka hor intii aanay faro galin isbahaysigii dulmiga ku dhisnaa ee uu hogaaminayay dalka maraykanku, Ciraaq waxay ahayd dawlad deeqo badan bixisa, deeqahaas oo iskugu jira gargaarro dhinaca aadamaha ah iyo deeqo wax barasho. Waxay ahayd dawlad dadkeedu ku jireen raaxo dhaadhi. Dunida saliid iyo shidaal badan ayay u dhoofin jirtay. Sirdoonka reer galbeedku waxay soo wariyeen in Ciraaq “yagleeshay kobcinta Hubka sida ba’an wax u gumaada ee Nuclear- ka,” fikirkani intii hore ee aan Ciraaq la galin wuxuu ahaa tukun xooggan. Hasayeeshee markii Ciraaq la burburiyay, ee dhulka lala simay, xeryihii gaashaandhigga ee lagu tuhunsanaa in nuclear ka lagu kobciyo waxba waa laga waayay. Maatidii dumarka iyo carruurta u badnayd ee reer Ciraaq na waraabaha ayaa raqdooda ka dhergay. In yar ka dib Maraykanku wuxuu bilaabay barmaamijkii “saliid cunto ku badalashada ee Ciraaq” waxay ahayd masiibo weyn. Dal dhan oo dhisan ayay xulifada Maraykan hor kacayaa burburiyeen. Haddana waxay bilaabeen qorshe Ganacsi oo cad oo ay magaca kor aan ku xusnay ula baxeen.
Ciraaq oo dhul hodan ahayd oo qudaartu dhabbooyinka ka baxdo ayaa (Qamadi lagaga baddashay saliiddeedii qaaliga ahayd!) Dhammaan dawladdaha adduunka iyo ururada xuquuqal insaanku dheg jalaq uma siin qaylada duqayda iyo carruurta reer Ciraaq oo guri kasta oo adduunka ku yaal gaadhay!.
Maraykanka iyo xulifadiisu waxay qorsheeyeen in reer Ciraaq dabka ku hoobtaan oo baaba’aan Ilaahay na wuxuu qorsheeyay inay tiro ahaan bataan. waa kan tirakoob maraykanku uu Ciraaq ka sameeyay 2012. Tiro koobkani wuxuu daaha ka qaaday in maalintii 2761 qof ku dashaan. Halka saacaddiina 115.04, qof ay dhashaan. Dhimashadu maalintii waa 462 qof. Halka saacaddii ay ka noqonayso 19.25. arrinta kale ee farxadda istaahishaa waxaa weeyaan in tirada labka iyo dheddigga ee Ciraaq kala yihiin: Lab.17746029. oo mushtamaca guud ee dalka ka noqonaysa (50.2%) halka dheddigguna ka yahay, 17615324 oo iyana mushtamaca guud ka noqonaysa ( 49.8%) halka dalal badan oo adduunka ah mustamacooda dumarku ka yahay 60% ama 70 %.
Jaraa’idka weyn ee (The Guardian) wuxuu soo daabacay maqaal uu ku sheegay in maamulkii Madaxweyne Bush uu adduun dhan $50-60bn ku baxiyay si loo af-gambiyo Saddam Hussein loo na dhiso dawlad cusub. Adduunka intaa leeg waxaa lagu burburiyay nolol ummaddeed. Qiyaas 2012Kii Dawladda maraykanku samaysay waxay sheegaysaa in Ciraaq ay u dirtay 109 hay’addood oo gaar loo leeyahay oo kala duwan kana shaqeeya arrimaha ammaanka”sirdoonka ,“ waxaana ka hawl galayay 36,000. oo nin oo hubaysan. Si kasta oo shacab badan ugu dhintay, adduunkasta oo Maraykan ka helay Ciraaq, adduunkasta oo arrimaha ammaanka galay. Ciraaq ma dagin ee fawdo ayaa cirka isku sii sharreertay. Imikana waxaa ku hirdama Islamic State iyo Isbahaysigii oo wiiqmay walow dib adduun badan loo galiyay. Waxaa Ciraaq ka hawl gasha wakaalladda Maraykanka u qaabilsan qaraxyada iyo abuurista rabshadaha oo ladhkeeda la yidhaa (black water agency) wakaaladdani waxay qarxisaa masaajidda iyo goobaha lagu cibaadaysto si muslimiinta Sunniga iyo shiicadu isku seegaan birtana iskaga aslaan iyagu. Wakaaladdani Maraykan waxay u qaabilsantahay qaraxyada oo kaliya. Haddaad maqli jirtay argagixiso ayaa wax qarxisa dalka adduunka ugu weyn ee xuquuda aadamaha ayaan ugu horreeyaa yidhaa waa kaa.
La soco………………………………..