WAJAALE NEWS

Qofka iyo Fikirka. W/Q: Axmed Iid Aadan

Haddii uu aadamigu sidaa wax u qiimeeyo in uu indha-ku-garaadle yahay ayaa markaaba loo qaadanayaa. Qoraa la yidhaahdo Rional Ruby ayaa buug

Dadka badankoodu aragti ayaa ay wax ku qiimeeyaan ama ku rumeeyaan oo arrinkoodu waxa weeyi “isha ayaa macallin ah.” Fikradaha inta ay rogrogaan kuma qancaan, ee marka uu qofka wataa ula yimaaddo ee uu u sheego ayaa ay isaga qancaan. Siyaasiyiinta, kuwa cusub iska daaye, kuwii hore u lug gooyey ayaa ay mar walba difaacooda ku tabar beelaan. Waxa uu yahay kuma qiimeeyaan oo miisaanka ma saaraan, ee marka ay isaga oo hadlaya ama waraysi bixinaya arkaan ayaa ay caashaq cusub ee degdeg ah u qaadaan. Arrinku waa soco uun oo qalindaar uma baahna! Haddii uu aadamigu sidaa wax u qiimeeyo in uu indha-ku-garaadle yahay ayaa markaaba loo qaadanayaa. Qoraa la yidhaahdo Rional Ruby ayaa buug uu qoray oo la yidhaa“The Art of Making Sense” ku soo qaatay aragti uu ka soo xigtay nin Filasoof ahaa oo qarnigii 17-aad noolaa. Aragtidaasi waxa ay sheegaysaa in uu dadku garashada ka siman yahay oo uu qof kastaaba garasho fiican leeyahay. Xagga aqoonta iyo shahaadooyinka in lagaga horreeyo qofku waa uu oggolaan karaa. Laakiin arrimaha nolosha la xidhiidha fahamkooda in lagaga fiican yahay oo uu ku liito qofna aqbali maayo. Sababtu waa in uu qof kastaaba qabo, sida uu qoraagu sheegayo, in uu garasho fiican leeyahay.

Haddaba in uu qofku si kalsooni leh u aammino in uu garasho fiican leeyahay  caddayn miyaa ay u noqon kartaa in ay garashada qofkaasi tahay mid sarraysa? Maskaxda iyo sida wax loo garto (fahamka) labadaba waa lagu kala duwan yahay, oo dadka qaar baa hore wax u garta oo macnaha ama qodobka hadalka markaaba hela, qaarna waqti ay wax ku rogrogaan ayaa ay u baahdaan. Si degdeg ah wax ha u gartaan ama waqti ha u baahdaane, arrimaha caadiga ah ee nolosha la xidhiidha marka ay arrintu joogto waxa ugu weyn ee dadka kala duwaa waa fikirka. Mudane Rional Ruby arrinta fikirka waa uu faahfaahiyey, waxanu bixiyey tusaalayaal iyo qodobbo waxtar leh oo aynaan halkan ku wada sheegi karayn, hase yeesho ee qoraalkiisa lagaga bogan karo. Tusaalayaashaas iyo qodobbadaasi qofka maskax cusub u noqon maayaan, hase ahaato ee garashadiisa iyo doodihiisa ayaa ay xoojin karaan, oo sida uu yahay waxa uu uga gudbi karaa si ka wanaagsan.

Niman kale oo arrintaa ka hadlay ayaa iyaguna sheegay in ay dadku u baahan yihiin waxa loo yaqaanno “Fikirka Degdegga Ah” (Quick Thinking) oo ay sheegeen in uu yahay wax, wax laga baran karo haddii lagu dadaalo. Waxay sheegeen in loo baahan yahay sida qofka macdanta soo saaraa uu ciidda iyo dhagxaanta faraha badan uga dhex garto cadka yar ee macdanta ah si la mid ah in uu qof kastaaba u garto nuxurka yar ee ku jira hadallada, waayo hadallada dhaadheer iyo qoraallada faraha badan ee aynu aragno in lagu qiyaasi karo boqolkiiba labaatan (20%) uun baa muhiim ah, inta kale waa wax aan sii ridnayn oo meelo banbannaan lagu buuxiyo ama inta muhiimka ah la iska raaciyo.

Waxa la yidhaahdaa, aadamiga ama dadweynaha adduunka guud ahaan boqolkiiba shan ayaa fikira. Boqolkiiba toban na in ay dad fikira yihiin ayaa ay isu haystaan, halka boqolkiiba shan iyo siddeetanka soo hadhay iyaga oo aan wax fikir ah soo kordhin ama laga dhaxlin ay dhintaan!

Nin shisheeye ah baa beri yidhi: “Fikradaha waaweyn ee layaabka lehi waxa ay dadka ku soo dhacaan marka ay socdaan!” Waa aan yaabay oo su’aalo ayaa aan doodda ninkaa iska weydiiyey. Waxa aan markii danbe is-idhi, ninkaasi malaha ummado kale oo uu garanayo ayaa uu sheegayaa. Ma laga yaabaa in ay dadkeenna gaar ahaan ragga, fikraduhu jaadka ay doonaan ba ha ahaadeenee, ay ku soo dhacaan marka ay qabyaaladda ka sheekaysanayaan ama ay qayilayaan ama ay hurdaan ba. Waa suurta-gal!

Qofka iyo fikirka xidhiidh baa ka dhexeeya. Waxa uu qofku ku fikiro, waxa uu qabto iyo natiijada ka soo baxda waxaa uu qabtay sida uu ugu qanco ama ugu qanci waayo waxa laga qiyaasi karaa habdhaqanka qofka. Dadweynaha Soomaalilaan badankoodu ma fikiraan. Boqollaalkii qofba wax fekiraya malaha waxa ku jira qof ama laba ama dhawr keli ah, inta kale meelahaas ayaa ay iska socsocdaan ama iska joogjoogaan. Arrintaasi ma aha mid aynu dadkeenna ku durayno ee waa mid guud ahaan habdhaqankeenna mid waxbarasho, mid ganacsi, mid shaqo iyo mid siyaasadeed intaba ka muuqata.

Tusaalayaal kala duwan oo aynu arrintaa caddayn uga dhigi karno ayaa aynu soo qaadan karnaa. Hase yeesho ee iyada oo aanay hadda inoo suurta-gelayn aynu ku soo koobno mid ganacsiga oo keli ah ku saabsan: Muddooyinkan danbe marka dhawr sano la jooga ba mar baa aynu aragnaa qof fikir ama aragti cusub la yimaadda oo aas-aasa nooc cusub oo ganacsi ah oo aan hore u jiri jirin. Maalmo ka dib, waxa haddana la arkaa dad badan oo qofkii fikirka la cusub la yimi inta ay ka qisheen isaga laftiisii ka ag bilaaba shaqo la mid ah tii uu isagu curinteeda lahaa. Arrimaha kale ee noloshana sidaas oo kale ayaa looga heli karaa tusaalayaal caddaynaya in aynu nahay ummad fara badan oo ay in yar oo ka mid ahi fikirto.

Maskaxdu ma aha oo keli ah wax mug leh oo wixii loo gudbiyo oo keli ah uun qabta. Waa xubin weyn oo curin cusub iyo halabuur cusub inagu taageeri karta oo weliba wax xisaabisa. Haddaba dadkeennu in ay fikir qof kale oo ay ku daydaan ama qishaan sugaan ama ay mar walba xog iyo talo uun sugaan waxa ka door roon in ay iyagu xogaha raadsadaan oo ay fikiraan oo ay kala shaandheeyaan. Haddii kale dad wanaagsan oo hir doog leh ku socda noqon mayno!

Nin baa maalin u yimid Saynisyahankii caanka ahaa ee la odhan jiray Blaise Pascal, dabadeedna waxa uu ku yidhi: “Haddii aan maskaxdaada oo kale yeelan lahaa, nin wanaagsan baa aan noqon lahaa.” Pascal ninkii waxa uu hadal ugu soo koobay: “Nin fiican noqo, dabadeedna maskaxdayda oo kale ayaa aad yeelan doontaa”.

 

Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

 

Exit mobile version