WAJAALE NEWS

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Agaasimaha UNDP U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa (W,N):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha hay’adda UNDP u qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Mr George Conway oo ay wehelinayeen masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan UNDP.

Kulankan ay madaxweyne-ku-xigeenka iyo sarkaalka ka socda hay’adda UNDP, ayey kaga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa loona tayeyn lahaa Mashruuca JPLG-3 oo ay UNDP iyo Somaliland iska kaashadaan, madaama oo ay hay’addaha midawga yurub qayb ka yihiin mashruucaasi.

 

Waxa kale oo kulankan lagu lafo-guray sidii ay hay’adda UNDP qayb uga noqon lahayd una xoojin lahayd mashruuca “Public Private Partnership (PPP)” oo isagu la xidhiidha midaynta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo ka dawliga ah iyo sidii loo tayeyn lahaa.

Ugu dambayn madaxweyne ku xigeenku waxa uu weftiga kala hadlay in mashaariicaha Somaliland loogu talo-galay ay sideeda u soo gaadhaan una tixgeliyaan meelaha ay ku haboon tahay in hore loo gaadhsiiyo, si wax looga qabto baahiyahaasi.

Exit mobile version