WAJAALE NEWS

Maayir Ku Xigeenka Degmada Baligubadle Oo Markii Ugu Horeysay ka Hadley Khilaaf Soo Kala Dhexgaley Isaga Iyo Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Deegaankaasi.

Maayir Ku Xigeenka Degmada Baligubadle Oo Markii Ugu Horeysay ka Hadley Khilaaf Soo Kala Dhexgaley Isaga Iyo Qaar Ka Mid Ah  Masuuliyiinta Deegaankaasi.

Baligubadle(WAJAALENEWS) Maayir Ku Xigeenka Ahna Ku Simaha Degmada Baligubadle Mawliid Jaamac Yuusuf Ayaa Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay  Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Maamulka Degmadaasi, – Maayir Ku Xigeenku waxaa uu eedayn kulul u soo jeediyey Badhasaab ku xigeenka iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Howd.

Ugu Horeena waxaa uu sheegay Maayer Ku Xigeenka Baligubadle Mawliid Jaamac Yuusuf  In Lagula Kacay Arrin Ka Baxsan Sharciga Kaaso Oo Uu Sheegay In Ay Kula Kaceen  Badhasaab Ku Xigeenka Iyo Taliyaha Qeybta Police Ee Gobolka Hawd Ka Dib Markii Ay Si Ka Baxsan Anshaxa Looga Qaaday Furaha Baabuurkii Uu Wattay .

Waxaanu Arrintaasi Ku Eedeeyay In Uu Ka Dabeeyay Badhasaabka Gobolku Waxaanu Sheegay In Markii Uu Kala Xidhiidhay Badhasaabka Gobolka Uu Ka Cagajiiday Wax Qabashadeeda .

Waxaa Uu Intaasi Ku Daray In Badhasaab Ku Xigeenka Iyo Taliyaha Qeybtu Ay Si Badheedha Ugula Kaceen Falkan Isagoo Gudanayaa Waajibaadkiisi Shaqo Taasina Ay Tahay Mid Ka Baxsan Sharciga Dalka U Yaalla .

Mar Aanu Wax Ka Weydiinnay Sababta Keentay In Furaha Gaadhigiisa Laga Wareejiyo .

Waxaa Uu Sheegay In Lagu Sababeeyay Iyadoo Shaqaala Hoosaadkiisu Cabasho Ka Keeneen .Ilaa Haatana Gaadhigii Uu Sidii Looga Qaaday Uu Kaga Maqanyahay .

Waxaa Kale Oo Uu Carrabka Ku Adkeeyay In Faragalin Toosa Ay Ku Hayaa Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Iyo Taliyaha  Qaybta .

Geesta Kale Mar Aanu Isku Daynay In Aanu Arrimahan Wax Ka Weydiinno Badhasaab Ku Xigeenka Iyo Taliyaha Qaybta Ee Gobolka Hawd Ayaanay Noo Suuragalin Isgaadhsiinta Deegaanka

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version