Hargeysa (W,N):- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadley xafiiskiisa waxaa u sheegay in xisbiga Waddani uu kalsoonidii kala noqdey Kominshanka doorashooyinka Somaliland.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in maanta ay u gudbiyeen Madaxweynaha Warqad ay kaga codsanayaan in uu kala diro Kominshanka doorashoyinka isla markaana aanu xisbiga Waddani kalsooni ku qabin doorasho danbe oo ay dalka ka qabtaan.
Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa waxaa uu ku hanjabay in uu dhawaan warbaahinta iyo shacabka reer Somaliland u soo bandhigi doono khaldaad iyo gafaf ay kominshanku sameyeen wakhtigii doorashada madaxtooyada oo xisbiga Waddani danta dalka dartii u aqbalay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/yG0qBuDqxE0