WAJAALE NEWS

DAAWO; “Somcable Dadka Wuu Khalday Oo Wuxu Yidhi, Waxaan keenayaa Xadhiga Caalamiya Oo Bada Soomara ,Lakiin Waxaynu Noqonay….Cali Qoryoolay”

Qoraa Cali Qoryoolay Si Adag Udhaliilay Qaabkii Kootada Loogu Xidhay Shirkada Som cable Iyo Sobobaha Uu Ucuskaday Eediisa!

HARGAYSA (W,N) Qoraa Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay) ayaa siqotodheer uga hadalay xaalada uu dalka Somaliland xiligan marayo iyo duruufaha kala duwan ee ku xeeran

Dhanka kale qoraa cali qoryoolay ayaa ka dareen celiyay dhawaaqa cabasho ah ee dhawaan kasoo yeedhay madaxda shirkada telelsom iyo xadhiga Fiberka ah ee kootada loogu xidhay shirkada Somcable

Qoraal cali ayaa si adag u dhaliilay qaabka kootada xadhiga fiber opticga kootada loogu xidhay shirkada somcable oo uu ku tilmaamay in ay khiyaamo qaran samayn kana baxday sidii lagu siiyay iyo halkii xadhigu uu soo Marayay,

Sidoo kale cai qoryoolay ayaa madaxwaynaha somliland ugu baaqay in uu la xisaabtan lagu sameeyo wasiiradii ugu tunka waynaa xukuumadii siilaanyo oo uu ku eedeeyay in ay musuq maasuq baahsan ku kaceen halka ay ka samaysteen shirkado gaar oo lagu boobo khayraadka qaranka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN’

 

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye Abdulkadir Habane

Exit mobile version